Weriyaha Iyo Shaqada Dawarsada!

0
374

Yurub iyo dalal kaleba waxa jira dad goobaha tareenada miisiga ku garaca oo maaweeliya inta tareenku soo gaadhayo istaanka, ka dib lacago weydiista dadka rakaabka ah ee sugaya Tareenka, Waxa kale oo aad u badan dad gidaarada iska fadhiya oo ku qorta boodh ay sitaan “waxaan ahay miskiin aan guri lahayn oo gaajoonaya, isoo caawiya”. Dadka boodhka ku dawarsada aad ayaa loo caawiya iyadoo loo arko waxa uu sheegayaa inay run tahay. Waxaana ay ku qoraan erayo kala duwan sida :” Waa derbijiif gaajoonaya, kaalmeeya, mahadsanid”

Nin kuwaasi ka mid ah ayaa u waramay weriya waxaana uu sheegay inay isaga tani shaqo u tahay, waxaana uu yidhi “ Waxaan sudhay qoorta boodh waxaana aan ku qoray , waxaan ka mid ahay ciidamadii fiitnaam ku soo dhaawacamay dhibaato weyn ayaa wakhtigan iigu kordhay ee hala icaawiya”, isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi:  “ waxaan helay maalintaa todobaatan dollar, wuxuu intaa ku daray sidaa ayay igu macaanaatay welina waan dhex mushaaxayaa, waana aan ka hadhi waayay lacagta sida fudud adigoo iska fadhiya oo warar naxdin leh oo aan jirin sheegaya lagu siinayo”

Leave a Reply