Libaaxii hogaamiyaha ka ahaa Serengeti oo ay dileen libaaxyo ay xafiiltamaan

0
375

Libaax loo yaqaanay boqorkii Serengeti ayaa la dilay waxaana dilay Libaaxyo kale oo xukunkiisa ka soo horjeeday.

Hawl-wadeennada dalxiiska iyo dadkii soo booqan jiray beerta qaranka ayaa xusay “halyeeygan oo ku magac dheeraa ” Bob Junior – iyada oo sidoo kale Online-ka looga yaqiin Snyggve.

Sawirkiisa ayaa caanka ah baraha bulshada wuxuuna xayawaanka ugu qunyar socodsan xagga dalxiiseyaasha marka la eego beerta Serengeti, laakiin sumcad cabsi ku dhex jirto ayuu ku lahaa kuwa ay xafiiltamaan, wuxuu xeradaa Boqor ka ahaa muddo toddoba sano ah isaga oo kaashanaya walaalkii Tryggve oo isna hore loo dilay.

Kooxo yaryar oo iska soo horjeedeen ayaa la rumeysan yahay inay dileen isaga iyo walaalkiiba.

“Waxay rabeen inay afgembiyaan Bob Junior,” ayuu sarkaalka ilaalinta Serengeti Fredy Shirima u sheegay warbaahinta.

“Dhacdooyinka lagu dilo Boqorka ama hogaamiyaha waxay caadi ahaan dhacaan marka hogaamiyuhu gaboobo ama mararka qaarkood libaaxyada kale ee labka ahi aanay ku faraxsanayn inuu xukumo dhul ballaadhan,” sida uu sheegay sarkaalka ilaaladu.

“Waxaa loo maleynayaa in walaalkii isaga sidoo kale loo dilay arrin isku mid ah, laakiin ilaaliyuhu wuxuu sheegay in ay isku dayeynaan in ay xaquuqada arrintan helaan.

Ilaaliyaha Mr Shirima, waxa uu intaas ku daray in labadan walaalaha lagu dilay weerarro kala duwan balse u muuqda kuwo la soo agaasimay.

Qaar ka mid ah ilaaliyaasha ayaa sheegay in Bob Junior loo malaynayay in uu jiray ku dhawaad ​​10 sano kaas oo magaca ka dhaxlay aabbihii oo la odhan jiray Bob Marley – wuxuu caan ku noqday xaaladdiisa sababta oo ah mar walba si fudud ayaa xerada loogu dhex arki jiray.

Bob Junior ayaa la sheegay in aanu gelin dagaal weyn oo uu isku badbaadinayo markii la weeraray ee la dilay Sabtidii hore.

Saraakiisha Duurjoogta ayaa u diyaarinaya aas gaar ah maalin aan weli la shaacin.

Serengeti oo ku taal waqooyiga Tanzania ayaa hoy u ah ilaa 3,000 oo libaax, waxaana caan ku ah dalxiisayaasha gudaha iyo dibadda.

Xus loo jeedinayo boqorka la dilay ayaa lagu baahiyey online-ka, oo ay ku jiraan hawl-wadeennada dalxiiska.

Leave a Reply