Gudoomiyaha xisbiga UCID oo Hambalyeeyey Ciidanka Qaranka Garaaddada-na ugu Baaqay Nabad

0
155

Hargeysa (Dawan)- Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ku hambalyeeyey Ciidanka Qaranka sida ay isaga difaaceen kooxaha huwanta ee weerarka ku soo qaaday shalay.

Gudoomiye Faysal oo xalay fariin ku baahiyey bartiisa Twitter xalay ayaa ugu baaqay Garaadada inay nabada qaataan, isla markaana waxii tabasho ay qabaan miiska wadahadalka lagu dhameeyo, waxaanay u dhignayd sidan;

“Anigoo ka xun dagaalkii manta (shalay) ka dhacay magaalada Laascaanod. Waxaan hambalyeynayaa Ciidanka Qaranka JSL ee iska difaacay dagaalkii kooxaha huwanta ku soo qaadeen.

Eng Faysal ayaa fariintiisa raaciyey, “Waxaanan Garaaadada ugu baaqayaa inay nabada qaataan, waxii tabasho ahna miiska wada hadalka lagu dhameeyo.

 

 

 

 

Leave a Reply