Haayadda GIZ oo Saddex Baabuur ku Wareejisay Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland

0
194

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska JSL ayaa gadiid loogu talo galay dugsiga farsamada Gacanta ee Hargeysa kala wareegtay haayadda GIZ.

Haayadda GIZ oo laga leeyahay dalka Jarmalka ayaa muddo badan ka shaqaynaysay ama Somaliland ka gacan siisa horumarinta dugsiyadda waxbarashadda ee Farasamadda Gacanta.

Baabuurtaasi oo dhamayd saddex Bas ayaa loogu tallo galay in ay ardayda wax ka barta xirfadaha dugsigaasi ay ka soo qaadaan xaadafaha ka fog meesha dugsigu ku yaallo.

Waxaana gaadiidkaasi kala wareegay haayadda wasiirka wasaaradda waxbarashadda Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), waxaana goob joog ka ahaa masuuliyiin ka socday haayadda GIZ.

Saddexdan Bas ayaa u addeegi doona dugsiga farsamadda Gacanta waxaana ku caawisay haayadda GIZ.

Wasiir Toorno, oo halkaa ka ahdlay ayaa u mahad celiyay haayadda GIZ oo uu sheegay in ay si weyn u wada shaqeeyaan wasaaradiisa, isla markaana ay taageerooyin kala duwan haayadu siiso haayadda.

“Waxaanu kala wareegaynaa haayadda GIZ oo dugsiyadda Farsamadda Gacanta naga caawisa, saddex Bas oo loogu tallo galay in ay ardayda ka soo qaadaan xaafadaha kala duwan ee magaaladda, maadaama oo ay aad u kala fog-fog yihiin.

Taasoo sababtay in arday badani ay waxbarashadii sii wadi kari waayaan, markii ay waayeen gaadiid, ama Bas u soo qaada dugsiga. Waxaanan rejaynaynaa in saddexdan Bas ee ay GIZ nagu wareejisay in ay wax badan ka tari doonaan baahidaasi jirtay”ayuu yidhi wasiir Toorno.

Basma Axmed Aadan, agaasimaha waaxda farsamadda ee wasaaradda waxbarashadda Somaliland ayaa sheegtay in ay faa’iido badan u leedahay dugsiga iyo ardayda wax ka barata iskuulka.

Waxaanay tidhi, “Waxaanu maanta kula wareegaynaa saddex Bas, oo ay noo keentay haayadda GIZ, kuwaasoo loogu tallo galay dugsiga Farsamadda Gacanta Hargaysa, oo qaadi ardayda long term-ka ah, oo dhigta shan xirfadoodd oo kala duwan”.

Geesta kale masuul ka socday haayadda GIZ oo sheegay in saddex Bas ee ay ku wareejiyeen dugsiga Farsamadda Gacanta Hargaysa, in ay wax badan ka tari doonaan hawlaha shaqo ee dugsiga.

Waxaanu yidhi, “Aad baan ugu faraxsanahay in aanu maanta ku wareejino dugsiga Farsamadda gacanta Hargaysa, saddex Bas oo loogu tallo galay ardayda xirfadaha kala duwan ka barta dugsigan. Waxaan rejaynayaa in saddexdan Bas ay wax badan ka tari doonaan hawlaha shaqo ee ardayda dugsiga wax ka barta”.

 

 

 

Leave a Reply