Maraakiibta ka gudba Kanaal Suweys oo gaadhay tiradii ugu badnayd ee abid la arko

0
314

Kanaalka Suweys waxa uu diiwaan galiyay xadigii gaadiidka maalinlaha ah ee ugu sarreeya tan iyo markii la howlgaliyay  marinka sanadkii1869kii.

Maamulka kanaalka ayaa sheegay in maalin gudaheed ay soo marayeen 107 markab, kuwaas oo siday 6.3 milyan oo tan oo badeecooyin ah.

Gaadiidka waxaa ku jiray mid ka mid ah maraakiibta konteenarada ee ugu weyn adduunka ee ka soo safrayay Giriiga kuna socday Malaysia.

Maamulka ayaa korodhka sicirka gaadiidka ku macneeyay mashruuc ballaadhin ah oo la dhameeyay 2016-kii.

Kanaalka Suweys waxa uu bishii January helay dakhligii ugu sarreeyay ee billaha ah taariikhda, oo dhan $802 milyan, waxa kale oo uu diiwaangeliyay dakhligiisa ugu sarreeya ee sannadlaha ah oo dhan $7 bilyan sannad xisaabeedka 2021-2022.

Kanaalka Suweys ayaa isku xidha badda cas iyo badda Mediterranean-ka – waa mid ka mid ah marin-biyoodyada ugu mashquulka badan adduunka.

 

Leave a Reply