Wax soo saarka kookaynta oo gaadhay halkii ugu saraysay: Warbixin UN ISHA SAWIRKA, Soo saarka kookeynta ee caalamka ayaa gaadhay heerar rikoodh ah iyada oo dalabkeedu dib u soo kacay intii ka danbaysay ka soo kabashadii xinibaadii Covid, warbixin cusub ayaa sidaa sheegtay. Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan daroogada iyo dambiyada ayaa sheegay in beerashada kookaynta ay sare u kacday 35% intii u dhaxaysay 2021 iyo 2022 marka la eego heerar la diiwaan geliyey. Natiijooyinku waxay soo jeedinayaan xarumo cusub oo laga ganacsado inay ka soo shaac baxeen Galbeedka iyo Badhtamaha Afrika. Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in dadka wax tahriibiya ay si aad ah u isticmaalaan adeegyada boostada ee caalamiga ah si ay u gaadhsiiyaan macaamiishooda. Yurub iyo Waqooyiga Ameerika ayaa ah suuqa ugu weyn ee lagu iibiyo kookeynta, waxaana ku xiga Koonfurta iyo Badhtamaha Ameerika iyo Kariibiyaanka. Iyada oo warbixintu ay sheegtay in suuqyada Afrika iyo Aasiya ay “wali xaddidan yihiin”, Ghada Waly oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in suurtagalnimada suuqu uu ku fido halkaas ay tahay xaqiiqo khatar ah. Warbixinta caalamiga ah ee kookeynta ayaa sheegtay in korodhka wax soo saarku uu ka dhashay ballaadhinta beerashada geedka kookaha, iyo sidoo kale beerashadii kookaha loo beddelayo kookeynta budada ah oo ka dhakhso iyo lacagba badan. Waxay leedahay: “Xogta waxay soo jeedinaysaa in doorka Afrika, gaar ahaan Galbeedka iyo Badhtamaha Afrika, oo ah aagga ay ka soo gasho cocaine-ka ee ku socda suuqyada Yurub uu si weyn u kordhay tan iyo 2019. Warbixintu waxa ay sheegtay in faafitaanka Covid-19 uu “waxyeelo” ku yeeshay suuqyada daroogada ka dib markii safarradii caalamiga ahaa si aad ah loo xaddiday. Sidoo kale baahida kookeynta ayaa hoos u dhacday markii Kilaabyadii habeenkii iyo baararka la xidhay intii lagu jiray xanibaadii. “Si kastaba ha ahaatee, xogtii ugu dambeysay waxay soo jeedinaysaa in hoos u dhacani uu saameyn yar ku yeeshay isbeddellada muddada dheer,” sida ay tidhi warbixintu. “Dalabka caalamiga ah ee kookeynta ayaa heerar rikoodh ah maraya.” Gudaha UK, warbixintu waxay sheegtay in “kor u kac weyn” uu ku yimid qabashada cocaine-ka ee “hababka degdega ah iyo boostada”. Dagaalka ay samaynayaan sharci-fuliyeyaashu ayaa sidoo kale kor u kacday – iyaga oo ku socda xawaare ka sarreeya kan wax-soo-saarka. Natiijooyinka kale ee muhiimka ah ee warbixintu tilmaantay waxaa ka mid ah: • Kolombiya ayaa wali gacanta ku haysa waddooyinka tahriibka in kasta oo dariiqooyinka Yurub loo maro ay horumareen • Isticmaalka Australiya wuxuu gaadhay meeshii ugu sarreysay badhtamihii 2020, laakiin wuxuu hoos u dhacay 50% sanadkii xigay balse wuxuuna “si dhexdhexaad ah” u kordhay bilihii ugu dambeeyay ee 2021 • Kooxaha dambiilayaasha Mexico iyo Balkan waxay ku soo dhawaadeen xarunta wax soo saarka si ay galaan-gal ugu helaan qaybinta. • Isticmaalka cocaine-ka ayaa kor u kacaya dhowr waddan oo galbeedka Yurub ah oo ay ku jiraan UK , Belgium , France iyo Spain • Ukraine , suuqu wuu sii fidayay, laakiin tan iyo markii uu Ruushku soo duulay bishii Febraayo ee la soo dhaafay, baahida ayaa si weyn loo carqaladeeyey . Maraakiibta ka gudba Kanaal Suweys oo gaadhay tiradii ugu badnayd ee abid la arko Kanaalka Suweys waxa uu diiwaan galiyay xadigii gaadiidka maalinlaha ah ee ugu sarreeya tan iyo markii la howlgaliyay marinka sanadkii1869kii. Maamulka kanaalka ayaa sheegay in maalin gudaheed ay soo marayeen 107 markab, kuwaas oo siday 6.3 milyan oo tan oo badeecooyin ah. Gaadiidka waxaa ku jiray mid ka mid ah maraakiibta konteenarada ee ugu weyn adduunka ee ka soo safrayay Giriiga kuna socday Malaysia. Maamulka ayaa korodhka sicirka gaadiidka ku macneeyay mashruuc ballaadhin ah oo la dhameeyay 2016-kii. Kanaalka Suweys waxa uu bishii January helay dakhligii ugu sarreeyay ee billaha ah taariikhda, oo dhan $802 milyan, waxa kale oo uu diiwaangeliyay dakhligiisa ugu sarreeya ee sannadlaha ah oo dhan $7 bilyan sannad xisaabeedka 2021-2022. Kanaalka Suweys ayaa isku xidha badda cas iyo badda Mediterranean-ka – waa mid ka mid ah marin-biyoodyada ugu mashquulka badan adduunka.

0
1005

Soo saarka kookeynta ee caalamka ayaa gaadhay heerar rikoodh ah iyada oo dalabkeedu dib u soo kacay intii ka danbaysay ka soo kabashadii xinibaadii Covid, warbixin cusub ayaa sidaa sheegtay.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan daroogada iyo dambiyada ayaa sheegay in beerashada kookaynta ay sare u kacday 35% intii u dhaxaysay 2021 iyo 2022 marka la eego heerar la diiwaan geliyey.

Natiijooyinku waxay soo jeedinayaan xarumo cusub oo laga ganacsado inay ka soo shaac baxeen Galbeedka iyo Badhtamaha Afrika.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in dadka wax tahriibiya ay si aad ah u isticmaalaan adeegyada boostada ee caalamiga ah si ay u gaadhsiiyaan macaamiishooda.

Yurub iyo Waqooyiga Ameerika ayaa ah suuqa ugu weyn ee lagu iibiyo kookeynta, waxaana ku xiga Koonfurta iyo Badhtamaha Ameerika iyo Kariibiyaanka.

Iyada oo warbixintu ay sheegtay in suuqyada Afrika iyo Aasiya ay “wali xaddidan yihiin”, Ghada Waly oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in suurtagalnimada suuqu uu ku fido halkaas ay tahay xaqiiqo khatar ah.

Warbixinta caalamiga ah ee kookeynta ayaa sheegtay in korodhka wax soo saarku uu ka dhashay ballaadhinta beerashada geedka kookaha, iyo sidoo kale beerashadii kookaha loo beddelayo kookeynta budada ah oo ka dhakhso iyo lacagba badan.

 

Waxay leedahay: “Xogta waxay soo jeedinaysaa in doorka Afrika, gaar ahaan Galbeedka iyo Badhtamaha Afrika, oo ah aagga ay ka soo gasho cocaine-ka ee ku socda suuqyada Yurub uu si weyn u kordhay tan iyo 2019.

Warbixintu waxa ay sheegtay in faafitaanka Covid-19 uu “waxyeelo” ku yeeshay suuqyada daroogada ka dib markii safarradii caalamiga ahaa si aad ah loo xaddiday.

Sidoo kale baahida kookeynta ayaa hoos u dhacday markii Kilaabyadii habeenkii iyo baararka la xidhay intii lagu jiray xanibaadii.

“Si kastaba ha ahaatee, xogtii ugu dambeysay waxay soo jeedinaysaa in hoos u dhacani uu saameyn yar ku yeeshay isbeddellada muddada dheer,” sida ay tidhi warbixintu. “Dalabka caalamiga ah ee kookeynta ayaa heerar rikoodh ah maraya.”

Gudaha UK, warbixintu waxay sheegtay in “kor u kac weyn” uu ku yimid qabashada cocaine-ka ee “hababka degdega ah iyo boostada”.

Dagaalka ay samaynayaan sharci-fuliyeyaashu ayaa sidoo kale kor u kacday – iyaga oo ku socda xawaare ka sarreeya kan wax-soo-saarka. Natiijooyinka kale ee muhiimka ah ee warbixintu tilmaantay waxaa ka mid ah:

  • Kolombiya ayaawali gacanta ku haysa waddooyinka tahriibka in kasta oo dariiqooyinka Yurub loo maro ay horumareen
  • Isticmaalka Australiyawuxuu gaadhay meeshii ugu sarreysay badhtamihii 2020, laakiin wuxuu hoos u dhacay 50% sanadkii xigay balse wuxuuna “si dhexdhexaad ah” u kordhay bilihii ugu dambeeyay ee 2021
  • Kooxaha dambiilayaasha Mexicoiyo Balkan waxay ku soo dhawaadeen xarunta wax soo saarka si ay galaan-gal ugu helaan qaybinta.
  • Isticmaalka cocaine-ka ayaa kor u kacaya dhowr waddan oo galbeedka Yurub ah oo ay ku jiraan UKBelgium , France iyo Spain
  • Ukraine , suuqu wuu sii fidayay, laakiin tan iyo markii uu Ruushku soo duulay bishii Febraayo ee la soo dhaafay, baahida ayaa si weyn loo carqaladeeyey .

 

 

Leave a Reply