Dawlada Itoobiya oo Somaliland u Aqoonsanaysa Dal Madaxbanaan

0
246

Bahar Dar (Dawan)- Shabakad wararka Amraha News Service oo laga leeyahay dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya ayaa sheegay in xukuumada Itoobiya qorshaynayso aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Qoraal lagu daabacaya barta Twitter ee shabakada Amraha News Service ayaa lagu sheegay in xogo sir ah oo la helay muujinayaan in Itoobiya qorshaynayso aqoonsiga Somaliland waxaana lagu yidhi, “Warqad sir ah oo ka soo baxday laba Diblomaasi ayaa tilmaamaysa in Itoobiya ay qorsheynayaan inay Somaliland u aqoonsato dal madax banaan.”

Warkan oo xukuumadaha Somaliland iyo Itoobiya aanay midkoodna weli beenin ama xaqiijin ayaa dhinaca kale ku soo beegmaya xilli xidhiidhkii Itoobiya iyo Soomaaliya halkii ugu hooseysay marayo, ka dib markii dhowaan dawlada Soomaaliya ay qeyb ka noqotay qaraar dalka Masar dabada ka riixayey oo wadamada Jaamacada Carabtu ku dhaleeceeyeen hakinta qulqulka biyaha Biyo-xidheenka Itoobiya tamarata korontada ka dhalinayso, talaabaad oo dawladda Itoobiya ku tilmaantay hadal meel waayey.

 

 

 

 

 

Leave a Reply