Daah-furka Barnaamijka Isku Xidhka Caafimaadka Dadka, Xoolaha iyo Deegaanka

0
255

Hargaysa (Dawan): Madaxweyne ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay magaaladda Hargaysa ka daah-furay (Hal-Hab-Caafimaadka) dadka, deegaanka, iyo xoolaha (One Health Approach).

Barnaamijkani oo ah mid dunidda ku cusub ayaa lagu midayn doonaa bed-qabka caafimaadka Dadka, Deegaanka, iyo Xoolaha, kaasoo sanadahan danbe ka hirgalay wadamo badan oo caalamka ah, inkastoo fikradiisu ay in badan jirtay.

Waxaa na barnaamijkani muhiimadiisa aad loo arkay waayadan danbe gaar ahaana markii uu soo baxay xanuunka Covid-19-ka, oo dhawrkii sanadood ee tegay si weyn u halakeeyay caalamkoo dhan, isla markaana galaaftay nolosha malaayiin bini’aadam ah.

Barnaamijkani oo socon doona muddo laba maalmood ah, waxaa soo qaban qaabisay haayadda Jarmalka ah ee magaceedda loo soo gaabiyo GIZ. Waxaa na furitaankiisa ka soo qayb galay xubno ka mida golaha wasiirrada Somaliland, xildhibaanno, xubno ka socday ururadda maxaliga ah, iyo kuwa caalamiga ah ee Somaliland ka hawl galla, madaxda haayadda GIZ, iyo masuuliyiin ka socday qaar ka mida wadamadda Afrika ee mashruucani ka hirgalay.

Barnaamijkani waxaa fulin doona marka la hirgeliyo wasaarradaha Caafimaadka, Deegaanka, Qorshaynta, iyo Biyaha ee jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale intii uu kulankani socday waxaa lagu soo bandhigay meelaha uu mashruucani awoodda saari doono, iyo habka uu u shaqayn doono.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo kulankaasi daah-furay ayaa sheegay inuu si weyn u soo dhawaynayo mashruucani, kaasoo bilaw u noqon doona qorshaha ah in la is-waafajiyo caafimaadka saddexda dhinac ah, ee Dadka, Xoolaha, iyo Deegaanka.

C/raxmaan Saylici, waxa uu sheegay in sanadahan danbe uu wax weyni iska bedelay qaab nololeedka bulshadda caalamka, isla markaana ay si weyn u soo kordheen masiibooyinka dabiiciga ah, ee caalamka ku soo noq-noqda.

Sida Fatahaadaha Webiyadda, Dabaylaha, Duufaanadda kala duwan, Dabka Kaymaha, iyo Abaarraha, Roobabka oo yaraaday, Abaarraha soo noq-noqday, iyo wxyaabo kale kuwaasoo khatar weyn ku ah dhamaanba nolosha Addanaha, ee Kawnkan aynu ku nool nahay.

Waxaanu yidhi, “Waxaan si weyn u soo dhawaynayaa mashruucani Hal-Hab-caafimaad (One Health Approach), oo bar-bilaw u noqon doona qorshaha, ama geedi-dheer, iyo dedaalka la inooga baahan yahay, in la is-waafajiyo caafimaadka saddexda dhinac ah, ee Dadka, Xoolaha, iyo Deegaanka.

Sida aan la socono, wax weyn baa iska bedelay qaab nololeedka bulshadda caalamka, waxaana si weyn u kordhay masiibooyinka dabiiciga ah, ee caalamka ku soo noq-noqda. Sida Fatahaadaha Webiyadda, Dabaylaha, Duufaanadda kala duwan, Dabka Kaymaha, iyo Abaarraha, Roobabka oo yaraaday, Abaarraha soo noq-noqday, kuwaasoo khatar weyn ku ah dhamaanba nolosha Addanaha, ee Kawnkan aynu ku nool nahay.

Waxaa sidoo kale dunidda ku soo kordhay xanuunno kala duwan oo aynaan hore u aqoonin, oo uu ka mid ahaa xanuunkii laba sanadood ka hor dunidda halakeeyay, ee Covid-19, oo ay ka mid yihiin xanuunadda kale ee Ebola, Yellow fever, iyo kuwa kale ee la midka ah. Kuwaasoo sababay dhimashadda malaayiin dadyowga adduunka ku kala noolaa caalamkan aynu ku nool nahay”.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa intaas raaciyay in sidoo kale waxyeelo weyn loo gaystay Degaanka, iyo dabeecadii isku-dheeliga tirnayd ee ILAAHAY SWT inagu manaystay in aadanuhu ku noolaado.

Iyadoona ay sii dabar-go’ayaan xoolaha nool, duur joogta, iyo dhirtii manaafacaadka u lahayd nolosha bini’aadamka. Sidaas darteed na la inooga baahan yahay in aynu mar walba ku baraarug-sanaano in ilaalinta deegaanku ay muhiim u tahay nolosha xoolaheena. Taasoo iyadu na lagama-maar-maan u ah caafimaadka, iyo bed-qabka nolosha bulshadda reer Somaliland.

“Dhinaca kale waxaa waxyeelo weyn loo gaystay, Degaanka, iyo dabeecadii isku-dheeliga tirnayd ee ILAAHAY SWT inagu manaystay in aadanuhu ku noolaado. Waxaa sii dabar-go’aya xoolaha nool, duur joogtii, iyo dhirtii manaafacaadka u lahayd nolosha bini’aadamka.

Waxaa la inooga baahan yahay in aynu mar walba ku baraarug-sanaano, in ilaalinta deegaanku ay muhiim u tahay, nolosha xoolaheena. Taasoo iyadu na lagama-maar-maan u ah caafimaadka, iyo bed-qabka nolosha bulshadda reer Somaliland” ayuu yidhi C/raxmaan Ismaaciil Saylici.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo daah-furka mashruucaasi ka hadashay ayaa tilmaantay in wax walba oo nolosha bini’aadamka ah ay ka bilaabmaan Hooyadda Dabiiciga ah, taasoo ah in la ilaaliyo deegaanka, isla markaana Deegaan nabad-qaba oo hagaagsan uu saarro bulsho caafimaad qabta.

Shukri Baandarre, waxay sheegtay in Caafimaadka bini’aadamka, iyo ka caafimaadka xooluhu ba ay ku xidhan yihiin deegaanka oo aynu ilaashano, si aynu deegaan caafimaad qaba u helno. “Mashruucan cusub ee aynu caafimaadka kaga hadlayno, marka aynu dib u eegno, wax waliba waxay ka bilaabmaan mother Nature, hooyadda dabiiciga ah, maxay tahay? Waa hooyadda inna quudisa, hooyadu na waxa weeyaan in la ilaaliyo deegaanka.

Deegaan nabad-qaba, oo hagaagsan, ayaa bulsho caafimaad qabta soo saarra. Caafimaadka bini’aadamka, iyo ka xooluhu ba waxay ku xidhan yihii deegaanka oo aynu ilaashano, si aynu deegaan caafimaad qaba u helno” ayuu yidhi wasiirka Deegaanka JSL.

Geesta kale waxaa barnaamijkani sida uu u shaqayn doono sharaxaad ka bixisay marka la hirgeliyo Ms. Carlo, oo ah madaxa ugu sareeya ee haayadda GIZ xafiiskeedda Somaliland. Waxaanay sheegtay in aasaaska mashruucani uu la xidhiidho caafimaadka Bini’aadamka, Deegaanka, Beerraha, iyo weliba Xoolaha.

Dhinaca kale Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo isna faah-faahin ka bixiyay mashruucani ayaa tilmaamay in caafimaadka dadku aanu kelidii taag-naan Karin, basle uu ku xidhan yahay dhinacyo badan.

Kuwaasoo ay ka mid yihiin caafimaadka xoolaha, cunto wanaagsan in la hello, taasoo dhinaca kale kaga xidhan helitaanka cuntooyin Nafaqo elh, iyo cunto isku-dheeli tiran, sidoo kalena caafimaadka dadku uu ku xidhan yahay Deegaanka, iyo in la hello biyo nadiif ah.

“Waa nidaam cusub, inkastoo fikradiisu ay in badan jirtay, oo ay in badan adduunyadu ay ogayd, in loo baahan yahay nidaam isku xidhan oo dhinacyo kala duwani ay ka qayb qaadanyaan. Sanadahan danbe gaar ahaana markii uu soo baxay xanuunka Covid-19-ka ayuun baa barnaamijkan muhiimadiisa aad loo arkay. Waana barnaamij aanu is leenahay wax weyn ayuu ka tarayaa caafimaadka” ayuu yidhi Dr. Xergeeye.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Caafimaadka dadku kelidii ma taag na ee wuxuu ku xidhan yahay dhinacyo badan. Caafimaadka dadku wuxuu ku xidhan yahay caafimaadka xoolaha, wuxuu ku xidhan yahay cunto wanaagsan in la hello, oo waxyaabaha ay wasaaradda caafimaadku la tacaasho waxaa ka mid ah Nafaqo-darro baahsan, taasoo dhinaca kale kaga xidhan helitaanka Nafaqo, iyo cunto isku-dheeli tiran. Caafimaadka dadku waxa uu ku xidhan yahay Deegaankii, iyo in la hello biyo nadiif ah, dhamaantood ba mid ba midka kale ayuu ku xidhan yahay, oo uu saamayn ku leeyahay”.

 

 

Leave a Reply