Qoobabka digaaga oo ka mid noqday nolol maalmeedka Masar

0
442

” Ilaahayow, yeynan gaadhin heer aynu cunno cagaha digaagga,” ayuu yidhi nin ka barbar tuugsanaya digaagga suuqa Giza.

Masar waxa soo food saartay dhibaato dhaqaale oo sii xumaanaysa, xaalad aad u daran oo dadkeedu ay la halgamayaan quudinta qoysaskooda.

Talladii nafaqeynta ee ugu dambeysay ee ka timid dawlada ayaa soo jeedisay in la cuno lugaha digaagga – Lugaha digaaga waxa la sheegay in ay borotiin qani ku yihiin, sida caadiga ah lugaha digaagu waxay ahaayeen hadhaaga loo tuuro Eyda iyo Bisadaha.

Talladaasi waxay dhalisay cadho iyo dhaleecayn loo jeedinayo dawladda.

Wadamo badan ayaa la halgamaya sicir-bararka cirka isku sii shareeraya kaas bishan March gaadhay wamada qaar boqolkiiba in ka badan 30%, Masarna waxay ka mid ah kuwa ugu daran.

Dad badan, ayaa cuntooyinkii aasaasiga u ahaa sida saliidda wax lagu karsado iyo Cheese-ka ama farmaajada ay u ahayd wax jaban ayaan hadda awoodi karin. Badeecadaha qaar ayaa laban-laabmay ama saddex jibaarmay marka la eego qiimaha ay bilo ka hor ahaayeen.

“Waxaan cunaa hilib bishiiba hal mar, ama ma awoodno gabi ahaanba. Waxaan iibsadaa digaag todobaadkiiba hal mar,” ayay tidhi Wedad, oo ah hooyo saddex carruur ah oo da’deeda ku jirta lixdameeyada, iyada oo iyada u sii socotay dukaamada.

“Maalmahan, xitaa hal Beed ama ukun waxaa lagu iibiyaa LE5 [US$0.16; £0.13].”

Qayb ka mid ah sababta Masar ay u halgamayso waa iyada oo aad ugu tiirsan cuntada dibadda laga keeno halkii ay ka ahaan lahayd beeraha gudaha si ay u quudiso dadkeeda tirada badan ee ka badan 100 milyan oo qof.

Xataa hadhuudh lagu quudiyo digaaga ayaa debeda laga soo raraa.

In ka badan 12 bilood sannadkii hore lacagta Giniga Masar waxay lumisay kala badh qiimeheeda ​​marka loo eego doolarka Maraykanka. Bishii Jannuary, markii dawladdu ay mar kale bedeshay qiimaha lacagta  waxay kor u qaadday qiimaha soo dejinta sida qamadiga iyo hadhuudhka oo kale.

Sannad ka hor, Wedad waxay si raaxo leh ugu noolayd hawlgabkeedii oo ah bishiiba LE5,000. Waxay isku tilmaamaysay in ay ahayd dabaqad dhexe. Hadda, sida Masaari badan oo kale, waxay la halgamaysaa sidii ay nolol maalmeedkeeda u heli lahayd.

Maanta, waxay isu sii ururisay waxoogaa lacag ah oo ku filan in ay ku soo iibsato xoogaa digaag ah.

“Hal iibiye ayaa u sheegay in qiimaha kiilada digaaga ah uu yahay LE160. Kuwo kalena waxay yidhaahdeen 175, 190, xitaa 200,” ayay tidhi Wedad, iyada oo suuqa dhex lugaynaysa, waxna baayacaysa.

“Hadda lafaha digaaga waa la iibiyaa – caguhuna ama Raafuhu waa 20 ginni,” ayay ku dartay iyada oo qosol xeeladaysan qoslaysa.

Madaxweyne Adbdul Fattah al-Sisi waxa uu inta badan ku eedeeyaa qalalaasaha ka dhashay kacdoonkii Masar ee 2011 iyo korodhka degdegga ah ee dadka dalkiisa ka jira iyo dhaqaale xumada hadda haysata. Wuxuu sidoo kale tilmaamaa dagaalka Ukraine oo keenay in la waayo Qamadigii iyo Hadhuudhkii.

Masar waa dalka labaad ee adduunka ugu badan ee soo dhoofsada sarreenka, Ruushka iyo Ukraine waxay ahaayeen labada waddan ee ay Masar Sareenka iyo Hadhuudhka ka heli jirtay. Markii dagaalku carqaladeeyey dhoofintii, qiimihii Roodhida sarreenka laga sameeyo ayaa kor u kacday.

Ruushka iyo Ukraine ayaa si kale Masar u tegi jiray dalxiiska waxaana ay Masar ku weyday lacagtii.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in talaabooyinka khaldan oo ka yimid dowladda inay ka dhigeen xaalada nolosha mid ka sii daraysa.

Saamaynta madaxtooyada, ciidamada, hay’adaha amniga iyo sirdoonku ay ku leeyihiin arrimo badan ayaa kor u kacay intii uu madaxweyne Sisi xilka hayay. sida uu sheegayoTimothy Kaldas, oo ah dhaqaaleyahan siyaasadeed oo ka tirsan machadka Taxriir ee siyaasadda bariga dhexe waxyaabo badan ayaa la siiyey ciidamada, sida Ganacsiga. Sidoo kale qandaraasyada dawladda ee mashaariicda kaabayaasha waaweyn. Oo shaqo abuuri lahaa ayaa la siiyey ciidamadawaxa la waayey Maalgashigii Shisheeye markii wax kasta gaar loo siiyey Ciidamada.

 

Iyada oo bisha barakeysan ee Ramadaan ay bilaabaneyso 23-ka March, dad badan ayaa ka walaacsan in aanayawoodin inay yeeshaan xaflad dhaqameedkii Afurada.

Dhanka kale, Wedad ayaa iyaduna ka fekeraysa cunta dhaqameedkii Ramadaanka

“Maxaanu samayn doonaa sanadkan?” ayey Wedad is waydiisay, iyada oo madaxa ruxaysa. Waxay u malaynaysaa in xataa digaaggu uu dhawaan ka bixi doono liiska cuntada ee la awoodo.

 

Leave a Reply