Go’aanka In Aad Noqoto Qof Curin Leh!

0
403

Walt Disney  wuxu ahaa ganacsade iyo filim soo saare Maraykan ah oo ku dhashay sanadkii 1901 Chicago, waxaana uu ka shaqayn jiray wargeysa dalkaasi ka soo baxa. Agaasimaha wargeyska ayaa shaqada ka eryay isagoo sheegay in aanu lahayn curinta fikrado cusub oo lagu horumarin karo wargeyska iyo sheekooyin mala awaal ah oo xiiso badan u sameeya akhristayaasha.

 Laakiin Walt markii taasi ku dhacday kuma uu quusan waxaana uu goostay inuu noqdo qof leh curinta sheekooyinka khayaaliga ee filimada laga sameeyo inkasta oo uu marar badan ku fashilmay haddana marna kama niyad jabin.

Mr.Walt ugu danbaystii waxa uu curiyay sheekadii uu ku caan baxay ee filimka laga dhigay ee la odhan jiray Barafka Cad “ Snow White” .

Wakhtigana Mr.Walt isagoo dhintay sanadkii 1966 haddana shirkaddiisa  Walt Disney Company waa ta  dunida ugu horaysa curinta sheekooyinka khayaaliga ah ee la xiiseeyo filimadana laga alifo dunida oo dhan.

Qofka aadmigu ma jirto waxa aanu samayn Karin keliya waa dadaal iyo in aanu niyad jabin marka uu ku fashilmo.  Xikmaduna waa “ Marna Rajada gaadhidu yaanay kaa lumin”.

Leave a Reply