Ururka Baananka Somaliland oo Munaasibad Afur ah u Sameeyay Hay’addaha Maaliyadeed ee Dalka

0
160

Hargeysa-(Dawan):- Ururka Baananka Somaliland,ayaa munaasibad afur u ah sameeyay Hay’addaha maaliyadeed ee Dalka,waxaana  ka soo qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo dalka ka mid ah.

Masuul ka tirsan ururka baaananka Somaliland oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay inay wax badan qabteen mudadii uu dhisnaa.

Masuuliyiin madasha ka hadlay ayaa sheegay in ururka baananka Somaliland waxqabad muuqda muujiyeen mudadii sannadka ay dhisnaayeen.

Gudoomiyaha Baanka Dhexe Eng Cali oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay inay shaqo wanaagsan qabteen Ururka Baananka Somaliland, isla markaana wada shaqeyn dhow ka dhexeyso.

Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali shire oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in baananku yihiin tiir-dhexaadka dhaqaalaha.

Dr Sacad ayaa sheegay in baananka dalku horumar balaadhan sameeyeen marka loo eego halkii ay marayeen labaatan sannadood ka hor.

 

 

Leave a Reply