Uttar Pradesh: Haweenay xaddo ka riday Arooskeedii oo Booliisku raadinayo

0
329

Booliska gobolka Uttar Pradesh ee waqooyiga Hindiya ayaa baadi goob ugu jira haweeney qori ka ridday arooskeeda.

Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay haweeneyda oo afar xabo hawada u ridaysa iyada oo dhinac fadhida ninkeeda.

Booliska deegaanka ayaa sheegay in ay diiwaan galiyeen kiis ka dhan ah haweeneydaasi oo haatan la la’yahay tan iyo markii uu falkaasi dhacay.

Rasaasta damaashaadka ah ee xiliga aroosyada ayaa ku badan qaar ka mid ah gobolada waqooyi ee Hindiya waxaana inta badan ka dhasha dhaawacyo iyo xitaa dhimasho shil ah.

Marka loo eego sharciga Hindiya, qof kasta oo u adeegsada hubka “si degdeg ah ama habacsanaan ah ama rasaas dabaal-deg ah”, oo khatar gelinaysa dadka kale, waxay waajihi kartaa xabsi ama ganaax ama labadaba.

Sannadkii 2016, maxkamad ku taal caasimadda Uttar Pradesh, ee Lucknow, ayaa amartay in kiis kasta oo dabbaaldeg ah la baadho iyada oo aan loo eegin in dacwad boolis la gudbiyay iyo in kale.

Sida laga soo xigtay wargeyska Times of India , muuqaalka caruusada waxaa duubay qof ay qaraabo yihiin, kaas oo sidoo kale soo dhigay baraha bulshada.

Booliska ayaa wargeyska u sheegay in haweeneyda ay baxsatay  sababta oo ah waxay ka baqatay in la xidho.

 

Leave a Reply