Tirada Shabeelka ku nool Hindiya oo kor u soo kacay

0
238

Hindiya waxay hadda hoy u tahay 3,167 shabeel, waxaa kordhay 200 marka loo eego tiradii afar sano ka hor, waxaana sidaa soo bandhitay qiyaasaha tira koobkii ugu dambeeyay ee shabeellada.

Raiisel wasaare Narendra Modi ayaa warbixintan soo saaray Axadii isaga oo ka hadlayay munaasabad lagu xusayay 50 sano guuradii ka soo wareegatay ololaha dib u soo noolaynta Shabeelka ee dalka.

Hindiya waxaa lagu qiyaasaa in ay hayso in ka badan 70% shabeelka adduunka.

Mr Modi waxa uu sheegay in Hindiya “aanay badbaadin shabeelka oo keliya” balse ay siisay deegaanka weyn oo uu ku kobco”.

Mashruuca Tiger waxa la bilaabay 1973-kii Raiisel wasaare Indira Gandhi ka dib markii tirada xayawaanku ay noqdeen kuwo aad u hooseeya.

Intii u dhaxaysay 1875 iyo 1925 oo keliya, ilaa 80,000 shabeel ayaa lagu dilay Hindiya, hal qiyaas ayaa sheegaysa . Ugaadhsiga Shabeelka ayaa aad u baahay sanadihii 1960-kii, tirada shabeelku si xawli ah ayay u yaraatay.

Laakiin tan iyo markaas, dhowr hindise oo dowladeed – oo ay ku jiraan mamnuucidda ugaadhsiga iyo wacyigelinta tuulooyinka – ayaa la sameeyay si loo ilaaliyo shabeelka, oo sidoo kale ah xayawaanka qaranka Hindiya.

Sharciyada ayaa sidoo kale la xoojiyay si ay sharci darro uga dhigaan in la dilo ama la qabto xayawaanka duurjoogta ah xitaa marka ay ku lug leeyihiin xaaladaha iska horimaadka ee aadanaha.

Laga soo bilaabo 2006dii, waxaa jiray kor u kac caafimaad qaba oo tirada shabeelka.

Marka loo eego warbixinta 2022, tirada shabeelku waxa uu si aad ah ugu korodhay bannaannada Shivalik iyo Gangetic ee waqooyiga ka dibna badhtamaha Hindiya, halkaas oo shabeelku ay galeen goobo cusub oo ka tirsan gobollada Madhya Pradesh iyo Maharashtra.

Laakiin Galbeedka Ghats, oo ah silsilad buuraley ah oo mara xeebta galbeed ee Hindiya, ayaa muujisay hoos u dhac ku yimid tirada shabeelka.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in Shabeelka maxalliga ah uu dabar go’ay meelo badan, oo ay ku jiraan kaydka qaar, waxayna ka digtay in “dadaal ilaalineed oo culus” looga baahan yahay gobollo ay ka mid yihiin Jharkhand iyo Andhra Pradesh.

Waxa kale oo ay calaamadisay caqabado dhawr ah, oo ay ku jiraan baahida loo qabo in la isku dheellitiro horumarka dhaqaale ee baaxadda leh iyo ilaalinta iyo wax ka qabashada colaadda aadanaha iyo xoolaha. Dhibaatooyinka kale waxaa ka mid ah ka ganacsiga duurjoogta sharci darrada ah iyo saameynta isbeddelka cimiladu ku leeyahay degaannada shabeelka.

“Korodhka tirada shabeelku waa calaamad wanaagsan, laakiin waa in aynaan is dhigan, waxaana loo baahan yahay in aan sii wadno dadaalkeena ku aaddan xaqiijinta badbaadada xayawaankan quruxda badan oo aan ilaalinno guud ahaan hab-nololeedyadayada kaynta ah,” ayuu yidhi.

Leave a Reply