Difaaca Qarannimada Somaliland Cidna looga Habran maayo,”.Xildhibaan Xasan Sheekh

0
187

Hargeysa(Dawan)Xildhibaan Xasan  Sheekh Furre oo ka tirsan Golaha Guurtida  ayaa sheegay in shacab iyo dawladba loo taagan yahay difaaca dalka Somaliland.

Xasan  Sheekh Furre ayaa  waxa uu tilmaamay in aan la  saamaxayn  wixii qaranimada  Somaliland ka hor yimaada,isla,markaana cidna  looga  habranan.

Xasan   Furre  oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu  yidhi”Qaranimada Somaliland cidna looga  habran maayo taako xadka  ka mida lagama  bixi karo,waa  go,aan shacab difaaca qaranka waa  loo  taaganyahay.hadii aanu qof ka hadhayn wixii  qaranimada Somaliland ka hor  yimaada lama  saamaxayo,wixii shacabka Laascaanood waxyeelayna  qaranku  ka hadhi maayo  waxbaana  laga qaban  doonaa,”.

Sidoo  kale Xildhibaanka ayaa waxa uu  fariin u diray maleeshiyaadka  Puntland ee dagaalka u yimid Magaalada Laascaanood.Waxaana uu yidhi”Cidii  xuduudaha ka  soo talawday ee magac  qabiil ku timid  Magaalada Laascaanood ee Qaranka   Somaliland  soo  farogaliyay qaranka ka hadhi  maayo,wixii Somaliland gadaheeda  waa  wax aanu dhamaysan  karno.maamulka Puntland dagaal ayaa  inaga  dhaxeeya xaaladu  dalku aad iyo aad  ayay u wanaagsantahay meel  aad u  wanaagsan way  maraysaa,qaranimada Somaliland way  sii kobcaysaa waxka nusqaamayna majiro,”.

   

 

Leave a Reply