Dhalasho loo sameeyay danyeerka ugu da’da weyn dunida.

0
378

Hargeysa (Dawan) Beerta Xayawaanka Berlin ee dalka Jarmalka ayaa maanta u dabaaldagay sannad-guurada 66-aad ee kasoo wareegatay, dhalashada Fatou oo ah daayeer Goriillaha ugu da’da weyn daanyeerta caalamka.

Shaqaalaha Beerta Xayawaanka ee magaalada Berlin ayaa Fatou ku casuumay casho gaar ah oo isugu jirtay khudaar kala duwan iyo qaro ama xabxab Fatou, oo ah Gorillaha nooca galbeedka ayaa macaansatay oo u riyaaqday cuntada loogu keenay dhalashadeeda, iyada oo dadka dalxiisayaasha ah iyo kuwa booqday xerada ay sawirro ka qaadanayeen.

Ruben Gralki oo ah nin xannaaneeya daayeerkan ayaa sheegay in markii hore danyeerka uu noolaan jiray qiyaastii 45 ilaa 50 sano, balse in Fatou ay soo dhaafto da’da 60-ka sano ay tahay arrin cajiib ah.

Leave a Reply