Boorama(Dawan):- Guud ahaan dunida horumarka lagu tallaabsado iyo isbeddelka bulsho ee dalalka caalamku waxa uu ka yimaada bar bilowga waxbarasho ilaa heer Jaamacadeed, marka umada dalkaas aqoontooda la dhiso.
Somaliland ayaa Jaamacadii u horraysay laga aasaasay 1998-dii, jaamacadaasi oo ah jaamacada camuud ee magaalada Borama ayaa bar bilow u noqotay aqoonta heer Jaamacadeed ee Somaliland ku talaabsatay, iyada Jaamacada Camuudna ah kadinka laga galo aqoonta Somaliland iyo jid isku xidhay Somaliland iyo dunida dhanka aqoonta iyo cilmiga.
Jaamacada Camuud ayaa muddooyinkii u danbeeyay ku hawlanayd soo kordhinta dhismayaal cusub oo ka baxsan xayndaabka Jaamacada, kuna yaala gudaha magaalada Borama, oo loo bineeyay gaarna u ah kuuliyada caafimaadka Jaamacada Camuud.
Geesta kale Jaamacada Camuud waxa ay hirgelisay beer cilmibaadhiseed oo kuuliyada beeraha jaamacadu ku sameynayaan Tijaabooyinka, taas oo looga guuray beertii hore oo ku yaaratay ardayda.
Ardayda jaamacada Camuud ayaa marka aad u kuurgasho heerkooda waxbarasho iyo doorashadooda Jaamacada Camuud waxay ku taabsiinayaan xaqiiqooyin gaar ah, oo ay ku doorteen Jaamacada, iyaga oo ka kala yimid gobollada Somaliland iyo dalalka Geeska Afrika.
Jaamacada Camuud marka aad dhex joogto waxaad galaysa bee’ad ka duwan degaano badan oo aad martay oo Somaliland ah, haddii laga tagi waayo bilicda, cida shimbiraha, kaymaha madaxa isgaliyay, iyo cayn-caynka dooga iyo ubaxyada waxaad odhankarta Jaamacada Camuud waxay meelo badan iska shabahaan buurta Dalxiiska ee Daallo.
Marka oo meel la yagleelo haddii aan loo ilaalin degaanka dhismaheeda ama dhul boob ku dhaco goobtaasi wixii loogu talo galay mawada fuliso, marka dhulkeeda la kala qaato ee la cidhiidhyo.
Goobaha waxbarashaduna way ka sii xagjiraan waxaana ku habboon inay helaan degaan ardayda, macalinka siinaya jawi ka baxsan buuqa magaalada, iskuna fahmi karaan baraha iyo la baruhu.
Jaamacada Camuud iyada oo taas ka duulaysa, waxay badbaadisay dhulkii Jaamacada loo asteeyay oo muddo badan aan lahayn xaydaab ama dayr dadku kaga baydhaan, balse maamulka cusub ee Jaamacada Camuud wuxu u istaagey in uu dhammeystiro guud ahaan dayrka Jaamacada Camuud oo kala gonaa inta badana qaybo ahayd, waxaana socda isku xidhka dayr ku dhaw 7-km oo isku wareega oo Jaamacadu leedahay, waxaaney yeelanaysa jaamacadu albaab laga soo galo lagana baxo inta kalena waa dayr.
Jaamacadu waxa ay leedahay gaadiid kala duwan marka laga reebo gaadiidka maamulka iyo xafiisyadu istimcaalaan, waxay leedahay 9 bas oo u gaar ah, soona qaada arda xilliga jaamacada ay imanayaan iyo wakhtiga ay ka rawaxayaanba.
Pro: Maxamed Maxamuud Jaamacd Diiriye guddoomiye ku xigeenka Jaamacada Cammuud, oo wareysi gaar ah siiyay bahda Wargeysyada Dawan ayaa meesha ka saaray in uu sameyn ku yeeshay Jaamacada Cammuud dagaalka Laascaanood, waxaanu ka warbixiyay xidhiidhka ay jaamacadaha dunida la leeyihiin iyo sida ay ugu dedaaleen in Jaamacadda Cammuud dhulkeeda ay dayrkiisa dhammasytiraan isla markaana u badbaadiyaan dhulka Jaamacaddu leedahay si dhulka Jaamacaddu u noqdo dhul dayran oo Jaamacadda u gaar ah isla markaana aanay dhicin in dhulka Jaamacaddu cid gaar ah u gacan galo.
Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Cammuud Prof Diiriye oo ugu horayn ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay in dagaalka kooxaha argagixisadu ku soo qaadeen Laascaanood in uu wax saamayn ah ku yeeshay Jaamacadda Cammuud,ayaa ku jawaabay. “may wax saamayn ah kuma yeelan way jiraan dhawr dhawr arday oo waalidkood u baqay oo tegay laakiin intoodii badnayn dib ayay usoo noqdeen Somaliland na maaha meel dadka lagu dhibaateeyo Jaamacadda Cammuud na waa astaanta nabadda iyo horumarinta aqoonta ardayda dhigataana waxay ka kala yimaadeen dalalka Bariga arfika oo dhan iyo guud ahaan gibolada Somaliland,waxaa Jaamacadda yaalaana waa cilmi iyo aqoon ee maaha colaad iyo fidmo abuur.
Waxan baraha bulshada la wareejinayaana waa hadal aanay waxba ka jirin oo been abuur ah.”
Guddoomiyaha oo ka hadlayay xidhiidhka ay Jaamacaddaha caalamka la leeyihiin,ayaa yidhi.
“Jaamacado badan o dalal badan ku kala yaalla ayaanu xidhiidh la leenahay waxaana ugu wayn dhanka Afrika Jaamacadda Haramaanyo ee dalka Itooobiya oo ay macalimiintoodu noo yimaadaan oo ay nala bixiyaan PHD waxaa kale oo aanu xidhiidh la leenahga caafimaadka, dhanka caafimaadka waxaa jira in digree la isku soo wada gaadhay laakiin imika waxaanu doonaynaa in aanu PHD iyo Master gaadhsiino oo anau kor u qaadno aqoontooda.
Waxaa kale oo jira jaamacado badan oo dunida ah oo aanu xidhiidh la leenahay oo ay ku jiraan jaamacado Maraykan iyo Ingiriis ah.”
Guddoomiyaha oo ka hadlayay dhismeyaal ay Jaamacadda ku soo kordhiyeen iyo dayrka xayndaabka Jaamacadda oo intii ugu dambaysay ay gacanta ku hayaan,waxaanu yidhi. Waxaanu imika gacanta ku haynaa oo dhismihiisu dhammaad ku dhaw yahay dhismeyaal cusub oo aanu ku soo kordhinay kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Cammuud oo ardayda ay ku yaraadeen fasaladii hore taas oo wax wayn ka taraysa baahida fasalada ardayda caafimaadka.
Waxaa kale oo imika gabao gabo maraya dhammaystirka dayrka Jaamacadda oo aanu ku badbaadinayso dhulka Jaamacadda waxaana jirta in umaddii dhulka lagu dhaqaajiyay oo manta cidna ma dhaafayso hadday dhul bannaan aragto oo dadkii ayaa dhul doonis u dhaqaaqay si aanu dhulka Jaamacadda u badbaadino waxaanu hadda dhamaystiraynaa dayrkii Jaamacadda oo dhan 7 KM oo isku wareeg ah waanu dhammaystiran yahay hadda.”
Waxaanu intaa raaciyay in ay hadda dhamaystireen beer cilmi baadhista ardayda Jaamacadda ay ugu talo galeen oo aad u wayn.