Sheekada sawirka sida lama filaanka ah ugu guulaystay sawirka adduunka

0
329

Saacad ka hor

Ku guuleystaha abaalmarin calami ah oo dhanka farshaxanka ah ayaa diiday abaalmarintiisa ka dib markii uu shaaca ka qaaday in sawirkii u tartankaas kaga qayb gelay uu ahaa sawir uu ku sameeyey barnaamijka dhanka online-ka ee lagu magacaabo AI.

Farshaxanistaha Jarmalka ah ee Boris Eldagsen, ayaa ku guulaystay tartan furnaa oo ku saabsanaa hal-abuurka, gaar ahaan qaybaha sawirrada taas oo lagu bixinayey abaalmarinta la yidhaahdo Sonny, toddobaadkii hore.

Waxaana uu sheegay in qorshihiisu ahaa heerka ay ogan kala saarayaashu dhabnimada sawirka iyo sida oo kale in uu abuuro dood ku saabsan sida sawirrada ay samaynayaan aaladaha online-ka ah ay u waxyeeli doonaan halabuurkii aadamaha.

Qabanqaabiyayaasha abaalmarintan ayaa u sheegay BBC News Eldagsen in uu marin habaabiyay taas oo aanay ogayn heerka AI ay ku lug lahaan doono.

Hadal uu soo dhigay bartiisa internetka ayuu Eldagsen ku qirtay inuu ahaa “daayeer dhaban-jibaaran”, isagoo uga mahad-celiyay garsoorayaasha “doortay sawirkayga oo ay tani ka dhigeen mid taariikhi ah”, isagoo su’aal ka keenay haddii mid iyaga ka mid ah “ay garanayo ama uu tuhunsan yahay inay AI- curiyay”.

“Sawirada lagu sameeyo AI iyo sawir qaadidda caadiga ahi waa inaysan iskula tartamin abaal-marinaha sidan oo kale ah,” ayuu sii raaciyay.

“Waxaa u dhexeeya faqri weyn. AI maaha sawir-qaade. Sidaa darteed ma aqbali doono abaalmarintaas.”

Sawirka abaalmarinta helay sawir laba gabdhood oo kala jiil ah oo muujinaya xaalad murugo ah.

Isticmaalka AI ayaa beddeshay wax kasta, haddii ay tahay qoraalkii aqoonta ahaa, kii curinta kale ee dhinacyada fanka sida heesaha ahaa, qaybtii farshaxanka iyo waaxihii la talintaba iyada oo dad badani u arkaan in aaladdani qabanayso shaqo badan oo aadamuhu qaban jirey.

Waxaana ay ka mid tahay doodaha ugu casrisan ee xilligan laga hadal hayo bara bulshada.

Afhayeen u hadlay Hay’adda Sawir-qaadista Adduunka, oo ah qaybta sawir-qaadista ee qaban-qaabiyeyaasha farshaxanka Creo, ayaa sheegay in intii lagu jiray wada-xaajoodka ay la yeesheen farshaxniistahan, ka hor inta aan lagu dhawaaqin inuu yahay guuleystaha, uu xaqiijiyay in sawirkani ahaa “farshaxan caadi ah”.

XIGASHADA SAWIRKA,BORIS ELDAGSEN

Farshaxanno iyo sawir qaadayaal badan ayaa ku eedeeya nidaamyada AI inay si aan caddaalad ahayn uga faa’ideysanayaan shaqooyinka boqollaal kun oo aadanaha ah.

Laakiin kuwa kale waxay si fudud ugu tixgeliyaan barnaamijyada AI sidii qalab oo kale,ama qayb cusub oo farshaxan ah taas oo wax ku darsanaysa waayihii nolosha.

 

 

Leave a Reply