Shirgudoonka Guurtida Somaliland oo Qaabilay Ergadii Dhaqan ee ka Timid Magaallada Muqdisho

0
150

Hargeysa (Dawan) Shirgudoonka Golaha Guurtida Somaliland ayaa shalay xarunta golaha ku soo dhaweeyey Ergada dhaqanka ee ka timiday magaaladda Muqdisho, kuwaasi oo Guurtida booqasho iyo salaan ugu yimid.

Salaadiintan u socotay dhexdhexaadinta colaada Laascaanood ee Hargaysa yimid ayaa markii ay gaadheen xarunta golaha guurtida Somaliland waxa xarunta aqalkaasi ku soo dhaweeyay guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo qaar ka mida xildhibaanada golahaasi.

Saleebaan Maxamuud Aadan gudoomiyaha Golaha Guurtida Somalialnd ayaa madax dhaqameedka uga warbixiyey hanaanka ay soo martay nabadaynta Somaliland, doorkii guurtidu ku lahayd iyo sida ay maanta uga go’an tahay sidii nabad loogu soo dabaali lahaa magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

 

 

 

Leave a Reply