Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda caafimaadka Somaliland oo kormeray xarumaha hooyada iyo dhallaanka ee magaalada Boorama

0
150

Xubinta koobaad ee barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona  Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland oo kormeray xarumaha hooyada iyo dhallaanka ee magaalada Boorama.

Masuuliyiintaas waxa hoggaaminaayay isuduwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ee gobolka Awdal Dr. Mustafe Xuseen.

Waxa kale oo kormeerkaas qayb ka ahaa Dr. Maxamed Xaamud iyo masuuliyiin ka socday hay’adda SIPA, waxaanay kormeereen goobo caafimaad ama xarumaha lagu xannaaneeyo hooyada iyo dhallaanka eek u yaala magaalada Boorama, kuwaas oo laga fulin doono mashaariic horumarineed oo ay iska kaashanayaanw wasaaradda caafimaadka iyo hay’adda SIPA.

Qaar ka mida hawl-wadeenadii xarumahaas caafimaad ayaa masuuliyiintaas ka socda wasaaradda caafimaadka iyo hay’adda SIPA warbixino ka siiyay sida ay xarumahaas caafimaad u shaqeeyaan ama adeegyada ay bulshada, siiba hooyada iyo dhallaanka u qabtaan.

Isuduwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ee gobolka Awdal Dr. Mustafe Xuseen, ayaa sheegay in wasaaradda caafimaadku dadaal ugu jirto sidii ay u horumarin lahayd caafimaadka guud ee gobolkaas, waxaanuu u mahadceliyay hawl-wadeenada dhanka caafimaadka eek u sugnaa xarumahaas caafimaad ee ay komeerka ku mareen.

 

 

Leave a Reply