Aamina Cilmi Fariid oo loo dhaariyay in ay ka mid noqoto Xildhibaanada Golaha Wakiilada

0
189

 

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa shalay u dhaariyay marwo Aamina Cilmi Fariid Badeed in ay ka mid noqoto Xildhibaanada Golaha Wakiilada.

Xildhibaan Aamina Cilmi Fariid Badeed ayaa buuxisay jago ka banaanaatay Golaha wakiillada, taasi oo uu baneeyay AHN marxuum xildhibaan Nuur Cismaan Guuleed Warsame, oo ka mid ahaa mudanayaashii xisbiga UCID ee laga soo doortay gobolka Awdal.

Guddida Doorashooyinka Qaranka ayaa Maxkamadda Sare ee dalka JSL u soo gudbiyay 30-kii bishii afraad codsi ay ku dalbanayaan, in loo dhaariyo marwo Aamina Cilmi Fariid Badeed jagada ka banaanaatay Golaha Wakiilada, si ay u gudato waajibaadkeeda shaqo.

Dhaarinta ka dib Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay xildhibaannada in ay qaranka ugu adeegto si daacad ah, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.

Leave a Reply