Ficillada iyo Hadallada Sababa in Ilmuhu Quus iyo Niyad Xumo ku Barbaaro

0
118

Xubinta saddexaad ee barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona, waxyaabaha sababa in Ilmuhu quus iyo niyad xumo ku barbaaro.

Waalidnimadu waa nafhurid iyo daryeel, inta badanna waalidku waa uu ka soo baxaa kaalintaas, isaga oo marmarka qaarkood aan dareensanaynba in uu waajibkaas gudanayo, laakiin duruufaha nololeed ee qofka ku xeeran iyo waayaha adduun waxa ay marar badan keenaan in xaaladaha nafsiga ah ee waalidku marayaa ay sababaan in uu hoos uga dhaco kaalinta waalidnimada fiican ee laga filayey.

Waxa ay u badan tahay in aanu isagu isdareensanayn in ficillada iyo hadallada uu ku kacayaa ay burburinayaan mustaqbalka ilmaha iyo caafimaadkiisa nafsadeed.

Mararka qaarkoodna waxaaba dhacda in sababta uu waalidku ficilladan iyo hadalladan ugu kacayaa ay tahay isaga oo moodaya in ay tahay habka ugu fiican ee barbaarinta ubadka.

 

Shabakadda Maraykanka ee ‘Awareness Act’ ayaa dhowaan baahisay maqaal ay kaga warramayso ficillada iyo habdhaqannada hooyada iyo guud ahaan waalidku marmar ku kacdo iyaga oo aan dhaadsanayn, ee dhibaatada laxaadka leh ku keena ilmaha. Gaar ahaan waxa ay dhacaan marka ay hooyadu doonayso in ay xakamayso ilmaheeda.

 

Ilmahaaga gaar ha u xaqirin

Dabeecadaha dhaawaca khatarta ah ku keena ilmaha waxaa ka mid ah in waalidka gaar ahaan hooyada oo mar kasta ilmaha ag joogtaa ay carruurta mid ka mid ah la bartilmaameedsadaan habdhaqanno ilmuhu u fahmayo qallafsani, sida dacaayad aanu jeclaanayn, ereyo uu cay u arkayo iyo ficillo uu cadaadis ka dareemayo oo uu isu arkayo in walaalihiisa kale kaga duwan yahay, iwm.

Ha ku dheeldheelin nafsadda ilmahaaga

Habdhaqannada qaldan ee waalidka oo hooyada u badani isticmaalaan waxaa ka mid ah in ilmaha ay u tusaan in aanay weligoodba iyagu qaldamin, ilmaha qaldamana ay calaamad u tahay in aanu qof fiican ahayn.

Habdhaqankani waxa uu ilmaha ku abuuraa cabsi dheeraad ah iyo in uu si khatar ku ah caafimaadkiisa u naxo, haddii uu qalad sameeyo, maadaama oo uu aaminay in qaladku wax dhici kara aanu ahayn. Waxaa ka dhasha kalsooni darro ilmaha ku beeranta iyo in uu naftiisa quudhasado oo isu arko ruux aad uga hooseeya intii loo baahnaa, waana arrinta ugu khatarta badan ee ilmaha dhaawaca ku keenaysa.

Ha tusin in aad aaminsan tahay in isagu qaladka leeyahay

Waalidka qaar marka ay ilmahooda qaladaad kala duwan ku arkaan waxaa ku beerma dareen aamina in qaladka dhacayba uu isagu leeyahay. Tusaale ahaan ilmaha oo ay gardarro iyo adyad badnaan ku ogaayeen haddii ay walaalihii ama cid kale is khilaafaan markaba waxa uu rumaysanayaa in isagu gardarrada leeyahay. Habdhaqankani waxa uu ilmaha ku beeraa in uu habsoobo iyo in uu isku dayo qalad kasta iyo dhibaato kasta oo dhacda in uu isagu masuuliyadda qaato raalligelin in uu ka bixiyana isku daya, dhaqankaas oo ilmuhu uu la koro weynaantiisana dhibaato weyn ku noqda.

Aragtidaada ha ku dheggenaan

Mararka qaarkood hooyadu waxa ay isku daydaa in marka ay go’aan gaadho aanay ka noqon ama waxba ka beddelin, iyada oo lagaba yaabo in ay ka fikirayso in ilmuhu mustaqbalka go’aamadeeda rumaysan waayo. Laakiin arrintani waxa ay keentaa dhibaato ah in uu mucangagnimada u qaato dariiqa saxda ah ee ay tahay in lagu dhaqmo. Iyo in aanu isku kallifin in uu qanciyo waalidkii isaga oo aaminsan in go’aanka mar haddii uu gaadhay aanay ka noqosho jirin.

Ilmahaaga carruuraha kale ha ku dhererin

Waa dhab in dadku kala duwan yihiin, kalana firfircooni, aragto iyo hawlkarnimo badan yihiin, laakiin taasi yaanay ku barin in aad ilmahaaga ku dhereriso una faaniso carruurta kale ee aad is leedahay way ka fiican yihiin. Dhaqankaasi waxa uu burburiyaa nafsadda ilmaha, waxa ay iska aaminaan hoosayn iyo in aanay iyagu karti lahayn.

Waxaa muhiim ah in waalidku ogaado in aanay weligeedba suurtagal noqon karin in ilmuhu uu sida aad doonayso u ekaado, waxa se muhiim ah in aad ka caawiso in noqdo, sida ugu fiican ee uu noqon karo.

Dhalleecayn iyo canaan joogto ah

Mararka qaarkood waalidku waxa uu nolosha ilmaha ku burburiyaa canaan joogto ah, waxaaba dhacda in dadaal kasta oo uu ilmuhu samaynayo, haddana aanu waalidkii ka mutaysan amaan iyo abaalmarin, balse taas beddelkeeda uu waalidku sii wado canaanta isaga oo moodaya in ay wax u sii kordhinayso, ama sida ay Soomaalidu tidhaahdo, “Isaga oo aaminsan in sababta faraska usha loogu dhuftaa ay tahay in uu ka sii badiyo orodka”

Waxa se xaqiiq ah in habdhaqankani uu dhibaato ku noqdo ilmaha, waxa uu aaminaa in aanay jirinba wax waalidka raalligelin kara ama ka farxinayaa, in raalligelinta waalidku ay tahay yool aan la gaadhi karin, sidaa awgeed waxa uu isu dhiibaa aaminsanaan ah in aanu iskuba hawlin raalligelitna waalidka iyo samaynta waxa uu kaga farxinayo. Waana uu la weynaadaa dhaqankaas.

Ilmaha ha kallifin in uu niyadxumo qabatimo

Haddii sheeko kasta iyo ficil kasta oo uu ilmuhu sameeyo, iyo si kasta oo uu isugu dayo in uu waalidkii la sheekaystaa, ay ku dhammaato in waalidku uu dareemo cadho iyo murugo ama niyadjab ah in ilmihiisu halkii la rabay ka hooseeyo, waxaa ilmaha ku beerma dareen ah in aanu isagu noqon karin sida waalidku ka doonayo, waalidkuna aanu aqbali karin sida uu isagu yahay ee runta ah, sidaa awgeed aanu u baahnayn in uu sameeyo habdhaqanno uu waalidka isku jeclaysiinayo.

Bar in ilmahaagu kaaga sheekeeyo noloshiisa iyo waxyaabaha uu la kulmo, haddii aad aragto in uu ficillo ama hadallo qaldan oo uu sameeyey kuu sheegayna, ku dadaal in aad marka hore dhegeysato, kaddibna mar dambe uga sheekee in ficillada qaar qaldan yihiin. Sheeko kale uga sheekee oo sheekada dhexdeeda ku muuji in ficilladaas uu sheegay ay qaldanaayeen.

 

Duruufaha nafsiga ah ee waalidka ku xeerani yaanay saamayn sida uu ula macaamilayo ilmaha

Inta badan waalidka oo hooyada u badani marka uu ku jiro xaaladaha nafsiga ah ee adag waxa uu hab cadaawad u muuqan kara ula macaamilaa ubadkiisa. Tusaale ahaan ficillada ilmuhu sameeyo ee qaldan ayaa uu kaga jawaabaa weerar iyo ereyo qallafsan, halkii ay ka ahayd in uu waalidku is dejiyo oo waxoogaa ka fikiro waxa dhacay iyo sida ugu habboon ee ay tahay in uu uga falceliyo, maadaama oo ficilka waalidku raad ku yeelanayo mustaqbalka ilmaha.

Ilmaha ha ku qasbin in uu dembiile isu arko

Inta badan waalidka mustaqbalka ilmihiisa burburinaya waxaa lagu arkaa in marka uu ilmuhu uu gef sameeyo uu ku riixo in ilmahaasi uu qirto in uu dembi galay ama dareemo in uu dembiile yahay. Arrintan waxa uu waalidku u sameeyaa si uu uga dhigto hub ilmaha ku dirqiya in uu sameeyo sida uu waalidku rabo.

Tusaale ahaan marka uu ilmuhu qalad sameeyo in uu waalidku doono in ilmaha loo fahansiiyo in si aanu u soo noqon ay tahay in uu raaco talada waalidku siinayo.

Marka uu ilmuhu fulin waayo amarrada waalidka waxa uu waalidkani isku dayaa in ilmaha uu u xambaariyo dembiga waxa dhacay oo dhan, waxa aanu ku abuuraa shucuur uu ilmuhu naftiisa hiifo. Waa se gef ay tahay in laga feejignaado.

Ilmahaaga saaxiib la noqo, laakiin dabarka iyo hoggaanka la ogow

Waalidka qaar ayaa aaminsan in sida ugu habboon ee ilmaha hannaanka dhaqankiisa iyo hab fikirkiisa loogu saamayn karaa ay tahay in lala saaxiibo. Waa dhab in la saaxiibista ilmuhu wax badan ka tarto gacan ku haynta habdhaqankiisa, iyo kalsoonida uu bulshada kula macaamilayo, laakiin qaladka markan oo kale dhacaa waa in ilmihii uu u arko in waalidku uu saaxiib yahay balse aanu ahayn maamulaha noloshiisa iyo hoggaamiyihiisa, sidaa awgeed uu ku dhiirrado in uu wax kasta samayn karo.

Waalid waad saxan tahay ee ilmahaaga la saaxiib, laakiin fakaagga xorriyadeed ee aad siinaysaa ha noqoto mid aan dabar iyo hoggaan la’aan ahayn. Waa wanaag in aad ilmahaaga saaxiibtinimo tusto, laakiin ha illaawin in ilmuhu uu u baahan yahay in xuduud loo yeelo.

 

W/Turjumay: Kamaal Marjaan

 

Leave a Reply