Kulan lagaga arrinsanayay u diyaar garowga xuska 18-ka May, ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa

0
228

Hargeysa (Dawan) Kulan lagaga arrinsanayay u diyaar garowga xuska 18-ka May, ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa, kaas oo ay ka soo qayb galeen dhammaan guddoomiyayaasha degmooyinka caasimada Hargeysa, madaxda guddiyada nabadgelyadda sagaalka degmo, ciidanka booliska, ciidanka dabdamiska iyo guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex.

Geesta kale waxa kulankan lagaga arrinsanayay adkaynta nabadgelyada ee maalinta Qaran ee 18-ka May, taliyaha ciidanka booliska Somaliland sarreeya guuto Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale, taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Sarreeye guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), duqa caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, guddoomiyaha gobolka Maroodijeex, waxaanay dardaar la xidhiidha adkaynta nabadgelyada siiyeen gudiyada nabadgelyada 9-ka degmo ee caasimada, waxaanay ka codsadeen in ay xil weyn iska saaraan inta ay socdaan dabaaldegyada xuska 18-ka May.

Sidoo kale waxaa shirkan ka qayb galay Gudida u diyaargarawga 18 may ee Dawladda Hoose ee Hargaysa oo iyaguna warbixin buuxda la wadaagay qaybaha kala duwan ee ka soo qayb galay shirkan.

Xuskan maalintan ayay maalmo koobani innaga xigaan, waxaana magaalooyinka waa weyn ee dalka ka socdo dabaaldegyo loogu diyaargaroobayo weyneynta maalinta Qaran ee 18-ka May.

 

 

Leave a Reply