Maxkamadda Ciidamada JSL oo Dil Ku Xukuntay Askari Dilay Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidamada Badda

0
318

Hargeysa (Dawan)- Maxkamada Darajada Kowaad ee Ciidanka Millateriga Somaliland ee gobollada Galbeed, ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Dable Axmed Cabdi Cabdillaahi oo Arbacadii toddobaadkii hore magaalada Lawyocaddo ku dilay Taliye Khadar Maxamed Caynaanshe.

Askariga dilka gaystay iyo askariga la dilay ayaa ka wada tirsanaa Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, waxaanu go’aanka maxkamadda yimid kadib markii ay Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka Milateriga Somaliland dhageysatay markhaatiyadii iyo cadaymihii kale ee ku saabsana qaabkii dilkaasi u dhacay

Xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada Qaranka Somaliland Cali Maxamed Faarax , waxa sheegay in isaga oo ka wakiil ah ciidamada ay galeen kiiska dilka Marxuun Khadar Xabeeb, in ay maxkamadda horkeeneen, qorigii eedaysanuhu dilka kugaystay, markhaatiyaashi iyo dhammaanba cadaymihi waxaanu xusay in go’aanka ay maxkamaddu soo saartay uu noqday dil toogasho ah waxaani yidhi

‘’Maanta kiiskaasi waanu galnay aniga oo ka wakil ah ciidamada, waxaanu horgaynay eedii iyo maragyadii iyo qorigii uu eeda ku galay iyo cadaymihii kiiskaasi la xidhiidhay, waxaanu Maxkamada horgaynay maanta (shalay) oo ay taariikhdu tahay 07/05/2023-ka, Maxkamadu waxa ay ka soo saartay go,aan arrintaasi markii ay dhagaysatay xafiiska Xeer Ilaalinta ee Ciidamada Jamhuuriyada Somaliland xukun bay ka soo saartay, xukunkaasi oo noqday dil toogasho ah’’.

Geesta kale guddoomiyaha maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada Milateriga ee gobollada Galbeedka Somaliland Muuse Xasan Riiraash, ayaa sheegay in maxkamadda darajada koowaad ee milateriga ee gobollada galbeed in ay shalay xabsiga dhexe ee magaalada Borama ay ku dhageystay eeda loo haystay gacan ku dhiigle ku xidhnaa xabsiga waxaanu yidhi

‘’Maanta waxa ay maxkamada darajada kowaad ee Gobollada Galbeedka Somaliland Xabsiga dhexe ee Gobolka Awdal ku dhagaysatay eeda loo haystay gacan ku dhiigle ku xidhnaa xabsiga, kaasi oo fal danbiyeed dil ah ku gaystay Magaaladda Lawyacaddo ee Degmada Saylac, , waxaanu xusay in dacwadaasi markii maxkamaddu dhageysatay eedaysanahana dacwadii loo akhriyay in uu si buuxda u qirtay in uu danbigaas galay, waxaanu intaas ku daray in qiraalka danbiilaha lagu kabay laba markhaati oo si buuxda u caddeeyay isla markaana goob joog u ahaa markii dilku dhacay, waxaanu tilmaamay in kiiskaasi sidaas ku caddaaday, go’aanka ay maxkamaddu qaadatayna uu yahay dil toogasho ah si waafaqsan qodobka 134 xeerka ciqaabta guud, iyada oo lala akhriyayo ayaada Qur’aanka Kariimka ah ee 45-aad’’.

Gaba’gabadii waxa uu sheegay in cidkasta oo arrinta dilka Marxuum Khadar Xabeeb danaynaysay iyo eedaysanihii falka galayba in maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka Milatarigu dil toogasho ah ku xukumeen eedaysane Axmed Cabdi Cabdillaahi.

 

 

 

Gudoomiyaha Golaha Guurtida

Leave a Reply