Badbaadinta 1.1 milyan oo Saliid ah oo laga baqayo in ay ku daadato xeebaha Yaman

0
163

Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Khamiis ah higsanaysa in ay soo ururiso $29 milyan ee ugu dambaysa ee loo baahan yahay si loo bilaabo badbaadinta 1.1 milyan oo foosto oo saliid ah markabkii xumaaday ee ku soo caariyay xeebaha Yemen ee dagaalladu halakeeyeen loogana hortagayo musiibo deegaan.

Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa sanado badan ka digayay in badda cas iyo xeebaha Yemen ay halis ku jiraan masiibo maadaama uu halkaa ku xaniban yahay markabka sida Shidaal aad u badan. Markabkan Tanker ah oo lagu magacaabo Safer, ayaa laga digay inuu keeno karo masiibo afar laab ka badan musiibadii uu keenay Exxon Valdez  oo sanadkii 1989-kii ku fatahay Alaska oo Maraykan ah.

Qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu wareejinayo saliidda ayaa u baahan 129 milyan oo doolar, oo ay ku jirto iibsashada markab weyn, kaas oo qiimihiisu ka batahy intii loogu dagaalka ka socda Ukraine dartii. Ku dhawaad ​​99 milyan oo doolar ayaa laga soo qaadhaamay dowlado, deeq-bixiyeyaal gaar ah iyo maalgalin dadweyne.

Munaasabad lagu yaboohay Qaramada Midoobay oo ay wadajir u qabanqaabiyeen Britain iyo Netherlands Khamiista ayaa la rajeynaya in lagu qaadhaamo $29 milyan ee soo hadhay, sida ay tidhi QM.

Markab lagu magacaabo Nautica, ayaa waxaa Qaramada Midoobay soo iibisay bishii March waxaana uu ka soo shiraacday Shiinaha horraantii Abriil.

Hawlgalka laguma bixin karo iibka shidaalka, sababta oo ah ma cadda cidda iska leh, ayay UN-tu sheegtay.

Dagaalku wuxuu hakiyay hawlihii dayactirka ee Badbaadada markanka  2015. Qaramada Midoobay waxay ka digtay qaabdhismeedka markabka oo si weyn u xumaanaya in halis loogu jiro inuu dalooshamo ama qaraxo.

Yemen ayaa waxaa hadheeyay colaado tan iyo markii kooxda Xuutiyiinta ee xulafada la ah Iran ay dowladda ka saareen caasimadda Sanca dabayaaqadii 2014-kii. Isbaheysiga militariga ee Sacuudi Carabiya uu hoggaamiyo ayaa soo farageliyay sanadkii 2015-kii, iyaga oo doonayay in ay soo celiyaan dowladda.

Dedaalka nabada ayaa la kordhiyey xawli sii kordhaya tan iyo markii Riyadh iyo Tehran ay ku heshiiyeen bishii Marchin dib loo soo celiyo xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee go’ay 2016.

Ergeyga Qaramada Midoobay ee Yemen Hans Grundberg ayaa todobaadkan kulamo ku leh Yemen iyo gobolka.

 

Leave a Reply