Taliyaha Booliska Gobalka Awdal oo ka Hadlay Xaalada Boorama

0
157

Boorama( Dawan) Taliyaha qaybta Booliska ee Gobalka Awdal Gaashaanle sarre Cabdi Khayre ayaa ka hadlay Mudaharaadkii Salaasadii dorraad ka dhacay Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Gaashaanle sarre Cabdi Khayr oo shalay Warbaahinta kula hadlay Magaaalada Boorama ayaa waxa uu sheegay in ciidamada booliska gobolka Awdal ay dhacdadaasi u soo qabqabteen 73 qof kuwaasi oo lala xidhiidhinayo Mudaharaadkii ka dhacay Maalintii Isniinta Magaalada Boorama.

“Gobalka iyo dadkiisa waan kala aqaanaa, waa mashruuc meel kale laga soo waariday oo gacanta ay kula jiraan qurbojoog iyo Niman Gobalada dalka jooga. rabshadahaasi markii ay bilaabmeen waxa Umadda Somaliladn ay markhaati ka tahay in Ciidamada Booliska Somaliland ay khasaaraha yareeyay oo dhimasho aanay dhicin. iyadoo askar la dhaawacay oo dhaawacyo halisa ay ku jiraan iyo dhaawacyo fudud ba, labadaba ay leeyihiin Ciidamada Boolisku, waxaana waxyeelo loo gaystay Baabuur badan oo Boolisku leeyahay kumay jirin ehelada Marxuumka la dilay khasaaraha cida gaysatay waanu garanaynaa waxaana rabshadahaas aanu u soo qabanay 73 qof”.

 

 

 

Leave a Reply