Dowladda hoose oo Madaxda Dhaweeye kala Shirtay Adkaynta Nabadgelyada

0
167

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Dawladda hoose ee Hargeysa ayaa shalay masuuliyiinta Shirkada Gaadiidka dadweynaha ee Dhaweeye kala shiray adkaynta nabadgelyadda.

Maayir ku xigeenka Caasimadda Somaliland Khadar Axmed Cumar (Khadar Nuux) oo ay wahelinaayeen Guddida qabanqaabadda Xuska Munaasibadda 18 ka Mey, Dowladda hoose ee Magalada Hargeysa ayaa kulan la qaatey qaar ka mid ah Masuuliyiinta Shirkadda Dhaweeye.

Iyadoo kulankoodaasi u jeedadiisu ahayd xoojnta amniga caasimada Somaliland, gaar ahaanna maalmaha lagu gudo jiro debaaldegga Xuska 18 ka Mey, oo ah maalinta Qarannimada Jamhuuriyada Somaliland.

Dhankoodana Maamulka shirkaddaasi Dhaweeye ayaa ballan qaadey in si toos ah ula shaqeyn doonaan maamulka dowladda hoose Caasimadda Somaliland, iyagoo goobtaas kabalan qaadey in dadaal dheeraad ah ku bixin doonaan mudada socoto xuska munaasibaddaasi balaadhan 18 ka mey, isla markaasina ilaalinta amniga iyo xasiloonida caasimadda kaalintooda ka qaadan doonaan.

 

Leave a Reply