Wixii Magaallada Boorama ka Dhacay Waannu ka Xumahay” Suldaan C/raxmaan Dhawal

0
172

Boorama (Dawan) Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal ayaa ka hadlay Mudaharaadkii ka dhacay Magaalada Boorama.

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal ayaa waxa uu raaligalin ka bixiyay Mudaharaadkii ka dhacay Magaalada Boorama oo lagu boobay Shirkada SBI,waxaana uu intaasi ku daray in uu ka xunyahay falkaas.

Cabdiraxmaan Dhawal oo arimahaasi ka hadlayayna Waxa uu yidhi”Wixii Magaalada Boorama ka dhacay waan ka xumahay wax beeninaya ayay ahayd waa Gobalkii aqoonta iyo Gobalka xadaarada, waa arin aad iyo aad looga damqado in meherado dad leeyihiin iyo Buuskii hooyooyinku iibinayeen la burburiyo.waa mid subxaano leh weeye mid la eegan karana maaha, hadii cidi ku soo waariday dhibka iyo xumaanta Magaalada Boorama.waxa aan u sheegayaa in aanay dib uga soconan waxa aan ku dardaarayaa Waalidka in gurigiisa hoos ugu noqoto.waxa aan ku soo gunaanadayaa waa in cid waliba shaqadeeda qabsato Xukuumadda waa in shaqadeeda ay qabsato,waxaana aan raaligalin ka bixinayaa Shirkadihii reer ahaan loo weeraray ee ka baxsanaa reerka Gobalka dagan. Gobal kani waa Somaliland dad kani waa Somaliland wax aan ka soconan cidii ku dawakhdaay adaa garan,in saraakiisha Ciidanka macno daro ku dhintaan waa mid aan la aqbali karin fulinta Xukuumadda ayaa iska leh,”.

 

Leave a Reply