Qabanqaabada xuska 18 May 2023 oo Safaarada JSL ee Ingiriisku Hormood U Noqtay Caalamka

0
66

London (Dawan)- Safaarada Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska ayaa hormood u noqotay dhigeeda caalamka xuska munaasibadaha 18 May, isla markaana hormood ka ahayd inay ka qabsoomaan lix magaalo oo dalka Ingiriiska ah.

Munaasibadaha kala duwan ee hawlwadeenada Safaarada UK oo kaashanaya ururka Somaliland Alliance ku qabteen magaalooyinka kala duwan ee dalka Ingiriiska ayey si weyn uga soo qeybgaleen boqolaal qof oo ka mid ah jaaliyada Somaliland eek u dhaqan dalka Ingiriiska iyo wefdi xukuumada Somaliland u dirtay inay kala qeybgalaan.

Xaflado si heer sare loo soo agaasimay oo lagu xusayey munaasibada 18 May ee safaaradu soo qabanqaabisay ayaa lagu kala qabtay Xarunta Baarlamaanka Ingiriiska, fagaare weyn u uku yaala badhtamaha magaalada London ee Trafalgar, iyo sidoo kale magaalooyinka Bristol, Birmingham, Manchester, Bolton, Sheffield iyo Cardiff ayaa masuuliyiintii ka hadlay si weyn jaaliyada UK ugu wacyigeliyeen inay gacmaha isu-qabsadaan horumarka iyo nabadgelyada dalkooda iyo gaadhitaanka aqoonsiga ummadiisu caalamka ka dalbanayaan.

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada, sida Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr Ciise Keyd Maxamuud, Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Warabe, Ergeyga Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya Marwo Edna Adan, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, wefdigii xukuumadu u dirtay UK iyo martisharaf kala duwan oo munaasibadaha hadalo ka jeediyey ayaa dhamaantood ku amaanay qabanqaabadiisa Safiirka UK Md. Cabdi Cabdillaahi iyo hawlwadeenada xafiiska iyo ururka Somaliland Alliance dedaalka ay muujiyeen.

Munaasibadaha loogu dabaaldegayey xuska 18 May 2023 oo sannadkan lagu kala qabtay daafaha caalamka, isla markaana wadamo cusub oo aanay hore uuga dhici jirin lagu qabtay, ayaa dhinaca kale qabanqaabada iyo tirada magaalooyinka UK ee Safaarada Somaliland iyo hawlwadeenadoodu ka qabanqaabiyeen si gaar ah uuga dhexmuuqdeen caalamka, loogu amaanay dedaaladooda.

 

 

Leave a Reply