Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Turkey u Fadhiya Somaliland

0
57

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre ee Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkey u fadhiya Somaliland mudane Harun Arslan.

Kulankan ayay ujeedadiisu ahayd is-xog-waraysi guud oo ku qotoma xidhiidhka guunka ah ee ay waddaagaan labada dal ee Somaliland iyo Turkiga. Waxaana diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xidhiidhkaasi iyo iskaashiga labada dawladood gaar ahaan dhinaca Garsoorka,madaama Dawladda Turkey tahay dawlad Islaam ah oo aynu wax badan iskaga mid nahay marka ay noqoto nidaamka Garsoorka,

Sidoo kale eesta Safiirka ayaa guddoomiyaha uga mahad-celiyay sida uu u qaabilay,waxaanu uu hoosta ka xarriiqay in ay dhinacooda diyaar u yihiin in ay sii adkeeyaan wada-shaqaynta ka dhaxaysa Somaliland iyo Turkiga, gaar ahaan iskaashiga la xidhiidha Garsoorka iyo cadaaladda.waxaanu dhankiisa is-dul-taagay ahmiyada uu ku fadhiyo xidhiidhka taariikheed iyo xadaaradda ay wadaagaan labada dal ee Somaliland iyo Turkey.

 

 

 

 

Leave a Reply