Shirkada Hawada sare ee SpaceX oo Cirbixiyeeno Sucuudi ah hawada u dirtay

0
123

Cirbixiyeenayaashii ugu horreeyay ee Sacuudi Carabiya muddo tobanaan sano ah ayaa u socdaalay hawada sare ee caalamiga ah iyaga oo raacay duullimaad ku kireysan malaayiin dollar.

Shirkada SpaceX ayaa Axadii duulisay dadkii tigidhka haystay, oo uu hogaaminayay cirbixiyeen NASA ka fadhiistay oo hadda u shaqaynaya shirkadan soo qaban qaabisay safarkan ka duulay xarunta hawada sare ee Kennedy. Sidoo kale waxaa saaran: Ganacsade Maraykan ah oo hadda leh kooxda tartanka baabuurta isboortiga.

Afarta qof ayaa gaadhay goobta hawada sare subaxda Isniinta; waxay halkaas ku qaadan doonaan wax ka badan hal usbuuc ka hor intaanay ku laaban gurigoodii iyaga oo ka soo degaya xeebta Florida.

Rayyanah Barnawi, oo ah cilmi-baadhe ku takhasusay unugyada asliga ah, oo ay maalgelisay dawladda Sucuudi Carabiya, ayaa noqotay haweenaydii ugu horreysay ee ka socota boqortooyada ee taga hawada sare. Waxaa raacay Ali al-Qarni, oo ah duuliye dagaal oo ka tirsan Ciidanka Cirka ee Boqortooyada Sacuudiga.

Waa kuwii ugu horreeyay ee dalkooda ka yimaadda ee fuula gantaal tan iyo markii amiir Sucuudi ah uu raacay shuttle Discovery 1985-kii.

Waa duulimaadkii labaad ee khaaska ah ee taga xarunta hawada sare oo ay soo abaabushay Axiom Space oo fadhigeedu yahay Houston. Kii ugu horreeyay wuxuu ahaa sannadkii hore saddex ganacsato ah ayaa raacay , oo uu weheliyo cirbixiyeen kale oo NASA ah oo hawlgab ah. Shirkaddu waxay qorshaynaysaa inay bilawdo qolalkeeda u gaarka ah oo ay ku darsato saldhiga dhawr sano ka dub, aakhirkana ay  samaysato goob gooni u ah oo diyaar u ah in la kiraysto.

Axiom ma sheegi doono inta Shoffner iyo xubnaha Sacuudi Carabiya ku bixinayeen howlgalka 10-ka maalmood ah ee la qorsheeyay. Shirkadda ayaa hore looga soo xigtay in qiimaha tigidhada ay yihiin 55 milyan oo doolar midkiiba.

Leave a Reply