Adhi jir reer Nepali ah oo markii 28aad fuulay buurta ugu dheer dunida ee Everest

0
282

Adhi jir reer Nepal ah ayaa gaadhay figta ugu saraysa buurta Everest markii 28aad todobaadkan, sidaa waxa yidhi sarkaal ka tirsan waaxda dalxiiska ee Nepal, isaga oo dhamaystiray koritaankiisa labaad todobaad gudihiis, isla markaana uu sanadkan gudihiisa uu gaadhay figta u saraysa 11jeer.

Kami Rita Sherpa, oo 53 jir ah, ayaa gaadhay 8,849 mitir oo ah madaxa ugu sareeya ee Buurta dunida ugu dheer, wuxuuna ka koray dariiqa koonfur bari oo ah dariiq u caado ah oo uu had iyo jeer ka koro, ayuu yidhi sarkaalka dalxiiska ee Nepal Bigyan Koirala. Todobaad ka hor ayuu  fuulay markii 27aad, Salaasadii todobaadkana waxay ahayd markii 28aad.

Labadii qof ee ugu horreeyay in ay gaadhaan halka ugu saraysa waxay ahaayeen, Sir Edmund Hillary iyo Sherpa Tenzing Norgay oo labadooduba reer New Zealander ah sanadkii 1953, dariiqii ay mareen ayaa weli ah waddada ugu caansan ee loo maro meesha ugu sarreysa buurta adduunka.

Ninkan Adhi jirka ah Kami Rita koritaanka Buurtu waxay u noqotay hiwaayad sida ay sheegeen qolyaha dalxiisku, sidoo kale hawl ayuu ka qabtaa Buurta,waxaana loo diraa dadka ku dhinta iyo nadiifinta jidka sida uu sheegay Thaneswar Guragai, maamulaha guud ee shirkadda Seven Summit Treks, oo qaabilsan dalxiiska.

 

Kami Rita ayaa markii ugu horreysay koray Everest sannadkii 1994-kii, waxaana uu sidaas sameyn jiray ku dhawaad ​​sannad walba tan iyo markaas, marka laga reebo saddex sano oo mas’uuliyiinta ay xidheen buurta sababo kala duwan awgeed.

“Wuxuu fuulimaadka bilaabay isaga oo da ‘yar, wuxuuna haatan waday mudo 30 sanno ku dhow.

Marka laga tago Kami Rita Kenton Cool oo Ingiriis ah usbuucii hore fuulay Everest markii 17-aad, waana kii ugu badnaa ee gaadha figta sare 17 jeer ee ajnabi ah.

Si kastaba ha ahaatee, buurta fuulitaankeedu waa khatar dad badan oo fuulay ayaa ku dhintay iyaga oo aan gaadheen dusha, laba dhimasho ayaa dhacay todobaadkii tegay taas oo tirade dhintay ka dhigays 11 tan iyo Abriil ee sanadkan.

Mid ka mid ah wuxuu ahaa Adhi jir reer Nepal ah, oo ka shaqeynayay nadiifinta buurta, kaas oo dhintay Isniintii, ciidamada Nepal ayaa sheegay in qalab iyo alaab kale oo ay kaga tagaan safarrada fuulitaanka ay daadsan yihiin buurta muddo tobanaan sano ah.

Sidoo kale Injineer u dhashay dalka Australia ayaa dhintay intii uu ku guda jiray koritaankii jimcihii isaga oo maraya aagga dhimashada ee ka sarreeya 7,925 mitir, meeshaas oo caan ku ah hawada khafiifka ah ee sababi karta xannuun degdega ah oo jooga sare ah.

 

Leave a Reply