Hargaysa (Dawan): Wasiirka waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno, ayaa ka hadlay qorshaha xukuumadda iyo wasaaraddiisa uga yaala imtixaanka shahaadiga ah ee ardayda gobolka Sool.
Wasiir Toorno, waxa uu sheegay in imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada hoose dhexe iyo sarre ee gobolka Sool, in imtixaankooda lagu qiimayn doono kii ay sannadkii hore galeen.
Waxaan xusay in tirada dugsiyada sarre iyo hoose dhexe u fadhiisanaysa imtixaanka shahaadiga ah ay yihiin 4642 arday.
Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland oo warbixin ka jeediyay Fadhigii 111aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha JSL, ayaa kaga hadlay Ardayda reer Laascaanood waxa uga meelyaala Imitxaanaadkooda. Waxaanu yidhi.“Wasaaraddu iyada oo ka tusaale qaadanaysa xaalado mar hore ina soo maray, sida xilligii Covid-19, waxa ay wasaaradda waxbarashadu.
In afartankun iyo lix boqol iyo laba iyo afartan arday oo ku nool degaanadii ay saameeyeen dagaaladu iyo meelaha ku dhaw dhaw in lagu qiimeeyo imtixaanadoodii sannadkii hore, oo ay hayso wasaaradda waxbarashada Somaliland, oo weel xogeedka wasaaradda ku jira, si ay ardaydaas ugu suuragasho inay waxbarashadooda siiwataan.
Sidoo kale ardayda fasalka 8-aad ee wax ka baran jirtay degaanada dagaaladu saameeyaan oo dhan laba kun laba iyo saddex iyo sodon iyo ardayda dugsiyada sarre ka baxaysay oo dhan kun iyo shan iyo afartan iyagana ay xukuumadda iyo wasaaradduba ka shaqaynayaan sidii shahaadooyinkooda loogu fududaynlahaa.
Marka imtixaankan imtixaankoodii hore lagu qiimeeyo, sidaas ayay wasaaraddu codsanaysa mudane Madaxweyne”.
Wasiir Axmed Toorno, waxa uu sidan ka sheegay warbixin uu ka jeediyay shirkii golaha wasiirrada Somaliland ee Khamiistii.
Sidoo kale Fadhigii 111aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo Khamiistii ka qobsoomay qasriga Madaxtooyada isla markaana uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa warbixin guud oo la xidhiidha amniga dalka laga dhegeystay Wasiirku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Waxa kale oo goluhu war-biximo ka dhegeystay xubno ka mida golaha wasiirrada oo isugu jira guddidii nabadaynta shaqaaqadii gobolka Togdheer ee labada dhinac ee walaalaha ah ku dhexmartay oo la soo afjaray iyo guddidii xuska sannad guurada 32aad ee 18-May oo golaha xogo ka siiyey guulihii ay ku soo dhamaadeen hawlihii loo xilsaaray.
Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo ka duulaya waajibka muwaadiniinta ka saaran iyo muhiimadda waxbarashada wuxuu cod gacan tag ah ku go’aamiyey in ardayda wax ka barata Laascaanood iyo Degmooyinka hoos yimaada oo dhan, oo kala ah Dugsiga hoose dhexe 35,177, Dugsiga sare 5,465, oo wadartooda guud ay tahay 40,642 Arday in lagu qiimaynayo dhibcihii Imtixaankii sannadkii hore ee 2021-2022, wixii gudbay sannad dugsiyeedkaasi 2022 oo dhamaa marka loo eego Fasalada siddeedaad ee degmooyinkaa oo dhamaa 2,233 Arday iyo Fasalada 12aad oo dhamaa 1,045 Arday in loo fudaydinayo qaabka ay ku helayaan shahaadooyinkooda si ay waxbarashadooda u sii wataan.
Sidoo kale waxa warbixin laga dhegeystay guddida arrimaha bulshada ee golaha wasiirrada oo daraasad ku soo samaysay lacagaha tooska ah ee daryeelka Bulshada (Cash Transfer) oo ay dalka ka qaybiyaan hay’addaha madaxa bannaani. Daraasadaas oo diirada saaraysay qodobo ay ka mid yihiin maxaa khataro ku gadaaman ee ka dhalan kara lacagahaasi, maxaase faa’iido ay u leedahay bulshada reer Somaliland, ayaa dood iyo falan-qayn dheer ka dib goluhu isla qaatay in la sameeyo xeerkii lagu maamulayey lacagta daryeelka bulshada, shirarka danbena golaha la horkeeno.
Dhinaca kale goluhu waxa uu cod gacantaag ah oo aanay cidina ka aamusin, cidina aanay diidin ku ansixiyeen xeerka gaadiidka iyo waddo-marista (Xeer Lr.56/2023) oo guddi ka koobnayd golaha wasiirrada iyo garyaqaanka guud shirkii kan ka horeeyey loo xilsaaray soo dhamaystirkiisa, wax-ka bedelka iyo kaabistiisa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo sharraxay qodobbada shirka golaha wasiirrada kasoo baxay, ayaa sheegay in goluhu bogaadinayo wacdarihii ay shacabka reer Somaliland gudo iyo dibadba ka dhigeen dabbaal-deggii munaasibadda 32-guurada kasoo wareegtay 18-ka May iyo weliba sidii geesinimada lahayd ee ciidamada kala duwan ee qaranku dhirbaaxada ugu dhufteen cadowgii maalintaas isku dayey inuu dabbaaldegga carqaladeeyo, waxana uu yidhi,“Gole ahaan waxaynu isku raacsannahay xaaladdii lagu maray 18-kii ay ahayd mid ugub ah oo taariikhda geli doonta oo ah in maalintaa aynu dabbaaldegaynaya iyo 16-kii oo ka horreeyey huwanta cadowga ahi ee gobolka Sool dagaallada gardarrada ah ka wadaa soo weerareen si ay u carqaladeeyaan dabbaaldegga Somaliland ee 32-aad.”
Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray, “waxa aan aad ugu mahadnaqayaa oo taariikhda baal dahab ah ku leh dhammaan ciidamada kala duwan ee qaranka, kuwa militeriga, Asluubta, badda, Booliska, socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha Somaliland, kuwa amniga iyo nabadda ilaaliya, dhammaantood ciidamadaas iyo wasaaradahoodu waxay fuliyeen in cadowgii ina soo weeraray ay jebiyaan oo cashar u dhigaan, dalka oo dhanna dabbaaldeggii iyo isu soo bixii uu noqday amni uu far lasoo geli kari waayey cadowgii. Dhammaan shacbiga Somaliland miyi iyo magaalana waxan ku bogaadinayaa inuu qof waliba halkiisa ka muujiyey waddaninnimadisii oo uu isu xilqaamay.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo xusay inuu goluhu jaaliyadaha reer Somaliland ee daafaha caalamka ku hambalyeynayo sidii waddaniyadda iyo dal-jacaylka lahayd ee ay qaddiyadda Somaliland kor ugu qaadeen, dunidana u tuseen inaanay qaddiyaddu ku imanin dheel dheel, waxana uu yidhi, “Waxa intaas raaca dadka Somaliland ee daafaha adduunka jooga meel wal iyo qaarad walba waxay noqotay xafladdii ugu weynayd ee jaaliyadaha reer Somaliland ee dibaddu ku muujiyaan waddaninnimadooda, taas oo ay ku muujiyeen inaanay Somaliland ciyaar ahayn ee ay tahay rabitaan shacab, Somaliland dhismaheeda iyo difaaceeduna yahay rabitaan shacab oo aanu dheel dheel ahayn, qaran ahaan iyo gole ahaanna aad iyo aad baanu ugu mahadnaqaynaa dadka reer Somaliland gudo iyo dibadba.”
Waxa guud ahaan xuska 18-ka May ee sannadka 2023-ka looga dabbaal degay 64 magaalo oo ku kala yaalla 33 dal oo ku yaalla shanta qaaradood ee Afrika, Yurub, waqooyiga Maraykanka, Eeshiya iyo Ustaraaliya, iyada oo laga dabbaaldegay 33 magaalo oo Yurub ah, 11 magaalo oo Afrika ah, 9 magaalo oo waqooyiga Maraykanka ah, 4 magaalo oo Canada ah, 7 magaalo oo qaaradda Eeshiya ah iyo 4 magaalo oo Ustaraaliya ah, lana qabtay ku dhawaad 100 munaasibadood oo kulamo dadweyne ah oo ay ku jiraan laba shir oo ka qabsoomay Hague iyo Washington DC ah oo ay wehelinayaan Afar isu soo bax oo ka kala qabsoomay Washington DC, Toronto, London iyo Geneva.
Ugu danbayn waxa golaha wasiirrada loo qaybiyey xeerka siyaasada isbedelka cimilada ee Qaranka, madaama isbedelka cimiladu ka mid yahay caqabadaha ugu waaweyn ee haysta Somaliland Qarnigan 21aad, xukuumadduna ay dedaal badan gelisay sidii loo yarayn lahaa u nuglaanshaha cimilada, loona xoojin lahaa ilaalinta qaybaha bulshada nuqul iyo deegaanka dabiiciga ah iyo u diyaar garowga maaraynta musiibooyinka.