Raysal-wasaaaraha Ingiriiska oo ka Hadlay Maalgelin ay ka Hirgeliyeen Somaliland

0
102

London-(Dawan):-Raysal-wasaaraha dalka Ingiriiska Rishi Sunak ayaa ka hadlay Maalgelin dawladdiisu ay ka hir gelisay Jamhuuriyadda Somaliland,waxaanu sheegay in Somaliland ay ka mid tahay waddamo ay mashaariic horumarineed ka fuliyeen.

qudbad uu ka jeedinayey shirkii  wadamadda G7 ayuu Raysal Wasaarahu sheegay in Somaliland ay ka mid tahay dalalka ay dowladdiisu ka fulisay mashaariic horumarineed.  Waxaanu yidhi; “Waan ognahay awoodda wax-bedelka ee maalgashiga gaarka ah ee la isku halleyn karo, mas’uulka ah. Waa dhinbiilkii naga caawinayey in aanu dhisno dekedaha Senegal iyo Somaliland, mashaariicda tamarta biyaha laga dhaliyo ee Rwanda iyo dabaysha xeebaha ee Hindiya.

Raysal-wasaare Sunak ayaa hadalkiisa raaciyey “UK waxaa ka go’an in ay hubiso Iskaashiga Caalamiga ah ee Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga in ay bixiso maalgelinta dunidu u baahan tahay si bulshada looga saaro saboolnimada.”

Leave a Reply