Madaxweynaha Somailand oo Qasriga Madaxtooyada Kulan-Sharafeed ugu Sameeyey Marwo Edna Aadan oo Abaalmarin Caalami ah ku Guulaysatay.

0
169

“Inay Edna caalamka guushaas kasoo dhex qaadday waa Sharaf Somaliland usoo hoyatay.” Madaxweynaha Qaranka  

Hargeysa-(Dawan):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku aammaanay Drs Edna Aadan Ismaaciil ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland u qaabilsan wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya guusha ay ka soo hoysay billada Caalamiga ah ee ay ku guuaysatay oo uu sheegay in ay tahay Sharaf iyo karaamo ay u soo hoyday qaranka Somaliland isla markaana guusheedu ay tahay mid ay wada leeyihiin dhammaan umadda Somaliland ee uu Madaxweynaha u yahay isla markaana ay mudan tahay in la soo dhaweeyo oo si heer qaran ah loo maamuuso.

Waxaanu intaa raaciyay in guusha Drs Edna ay soo hoysay ay tahay mid usoo hoyatay guud ahaan qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Somaliland oo  shalay munaasibad ballaadhan oo soo dhaweyn iyo bogaadin ah qasriga madaxtooyada ugu sameeyey Ergayga gaarka ah ee wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya marwo Edna Aadan Ismaaciil oo sannadkan ku guulaysatay abaalmarinta

caalamiga ah ee Templeton Prize.

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda marwada lagu sharfayo  hadal ka jeediyay ayaa ugu horrayn si cad u sheegay in marwo Edna xaq u leedahay in si heer sare ah loogu muuneeyo xarunta qasriga madaxtooyada, maaddaama oo ay magacii qaranka iyo kii haweenka reer Somaliland-ba meel sare gaadhsiisay, waxana ay tidhi,“Haddii qofka wax tara aan la xusin oo aan loo mahadnaqin Bani’aadamku qiime yeelan maayo, maantana goortan kulul waxaynu halkan u joognaa waa soo dhaweynta guusha ay caalamka ka keentay iyada oo qof dumar ah, waa guushaa caalamiga ah ee Edna ay noqotay gabadhii dumar ahayd ee Afrika ugu horraysay ee caalamku ku maamuuso abaalmarinta Templetone prize oo sannadkiiba qof ka helo adduunka.”

Madaxweynuhu waxa uu guusha marwo Edna Aadan ku sifeeyey mid Sharaf u ah bulshada uu madaxweynaha u yahay iyo guud ahaanba midda ku dhaqan qaaradda Afrika, mudan tahayna mahadnaq dheeraad ah,“Inay Edna caalamka guushaas kasoo dhex qaadday waa Sharaf Somaliland usoo hoyatay, waa Sharaf Afrika usoo hoyatay oo inta horumarka iyo wanaagga jecel usoo hoyatay, sidaas darteed aniga oo ku hadlaya afkii qaranka aad iyo baan kaaga mahadnaqayaa guushaas caalamiga ah ee aad keentay haddii aannu Somaliland nahay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

 

 

 

 

Dhinaca kale  Suldaan Barre xaaji Xuseen oo kamid ah salaadiinta waaweyn ee reer Somaliland oo halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey guusha ay marwo Edna qarankeeda usoo hoysay iyo sida ay ugu dhaadato qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka cimilada, marwo Shugri xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa iyaduna dhankeeda hambalyeysay guusha ay marwo Edna gaadhay, waxanay tilmaantay inay kamid tahay hantida gaar ahaaneed ee bulshada reer Somaliland dhiggood dheer yihiin.

Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha qaranka u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo kelmedo kooban ka jeedisay madasha, ayaa madaxweynaha iyo guud ahaanba muwaadiniinta kale ee reer Somaliland uga mahadnaqday sida kalgacaylka leh ee ay usoo dhaweeyeen, waxaanay bulshada reer Somaliland ugu baaqday

inay isku duubnaadaan, difaaca qarankooda iyo illaalinta sharaftoodana meel uga soo wada jeestaan.

 

 

Dhinaca kale soo dhawaynta Drs Edna Aadan Iismaaciil ayay dadweynaha caasimadda Hargeysa si wayn ugu soo dhaweeyeen gudaha garoonka caalamiga ah ee Cigaal International Airport,soo dhawaynteeda  oo ay ka qayb qaateen qaybaha kala duwan ee bulshada caasimadda Hargeysa isla markaana soo dhawaynta ka bilaabantay Madaarka lagu soo gaadhsiiyay Qasriga Madaxtooyada.

 

 

 

Leave a Reply