๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐จ๐จ ๐ƒ๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐ž๐ฒ D๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ฒ๐š๐š๐ฅ ๐‚๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ค๐จ๐ซ๐๐ก๐ข๐ง๐š๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐…๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐†๐š๐œ๐š๐ง๐ญ๐š ๐‡๐š๐ซ๐ ๐ž๐ฒ๐ฌ๐š

0
180

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno iyo agaasimaha guud ee wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta Somaliland Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf, ayaa ka qayb galay dhagax-dhiga dhismayaal cusub oo lagu kordhinayoย  dugsiga farsmada gacanta ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Diiriye Toorno ayaa dhagax-dhigey dhismayaal cusub oo lagu kordhinayo dugsiga farsamada gacanta ee magaalada Hargeysa, kaas oo ay maalgalineyso hayโ€™addaย ย  GIZ, waxaana dhismahiisa maamuli doonta wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta JSL.

Wasiir Toorno waxa uu sheegay in dugsiga farsmada gacanta ee magaalada Hargeysa lagu kordhinย  doono 30 fasal, kuwaas oo qaarkood isdulsaaran yihiin iyo hool weyn oo loogu talagalay in ardaydu istus oo itaabsi ay wax ugu bartaan iyo laba laab oo midi ku shaqayn doono tamarta cadceeda, midna yahay guryaha dadan, waxaanu intaas ku daray in la dayactiri doono 3 fasal oo kuwii hore ah, waxaanu mashruucan ku tilmaamay mid mihiima.

Axmed Maxamed Diiriye Toorno, wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland iyoย  madaxda hayโ€™adda GIZย  ayaa sheegay in marka uu dhammaado dhismaha cusub ee lagu kordhiyay dugsiganย ย  ay dad badani ka faaโ€™idaysan doonaan, isla markaana ay ku baran doonan qaybaha kala duwan ee farsmada Gacanta.

Agaasimaha guud ee wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta Somaliland Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf ayaa hayโ€™adda GIZ, uga mahadceliyay maalgelinta dhismaha cusub ee lagu kordhinayo dugsiga farsmada gacanta ee magaalada Hargeysa iyo dib u dhiska iyo dayactirka lagu sameynayo 3 fasal oo dhismayaashi hore ka mida,ย  waxaanu intaas ku daray in in wasaaraddu sameysay nashqada dhismaha dugsigan, waxaanu xusay inย  dugsigani ka koobnaan doono 30 fasal.

Leave a Reply