Kooxo Ka Cabsada Xabaalaha!

0
226

Nin rakaab ah oo safar  duulimaad ah ku jiray  ayaa si dhamaystiran isugu duubay maro balaastiig ah markiii uu fuulay dayuuradda uu ku safrayay, waxaana uu fadhiistay kursigiisa ah caadiga ah.

Dadka rakaabka ah ayaa aad ula yaabana waxase ay dhibaato qabsatay marka ay hawada ogsijiintu ku yaraato oo uu ka adkaado neefisiga. Madaama uu xidhan yahay dhar adag oo aanay hawo usoo gelayn.

Rakaabka iyo xataa shaqaalaha Dayuuradda ayaa u sheegay in aanu sidaasi yeelin madaama aan la badbaadin Karin haddii ay dayuurada la soo deristo xaalad degdeg ah oo ogsijiin yaraan iyo in anu suunka dayuuradda u isticmaali Karin si waafaqsan nidaamka duulimaadka intuu ku dedean yahay marawadan wada qarisay. Ninkan rakaabka ayaan dhegaysan oo aan waxbana ka aqbalin dadkii u nastexeyay oo dhan.

Qaar ka mid ah rakaabka ayaa sheegay  inuu ka tirsan yahay n kooxda Yuhuudda xag jirka ah ee  xidhiidhka la leh kutubtii dhaqanadii  faaliyayaashi hore kuwaasi oo aaminsan in aan xidhiidh la la samayn xabaalaha iyo dadka dhintay midna, marka laga reebo aasidda qofka dhintay.

Waxaana ay sidan u yeelaan isagoo ka cabsi qaba in dayuuraddu ay dul marto goobo xabaalo ah.

Waxaa xusid mudan in diyaaradaha qaarkood oo ay leeyihiin shirkadaha duulimaadka ee Yuhuuddu ee aaminsan mad-habtan ay beddelaan xataa jihada socodkooda mararka qaarkood, si ay uga fogaadaan inay dul hadaana goobo Qabuuro ah.

 

 

Leave a Reply