Hargeysa(Dawan)Siyaasiga Maxamed Cali Xirsi Obama oo ka mid ahaa Golihii horre Wakiilada ayaa Hargeysa ka daahfuray Mashruuca ONE MILLION FORUM oo loogu shaqaynayo shacabka Somaliland.
Mashruuca ONE MILLION FORUM ayaa waxa ku Midoobay Dhallinyarada iyo aqoonyahanka Somaliland oo ku kala sugan Wadamada Caalamka iyo dalka gudihiisa.
Maxamed Cali Xirsi Obama oo hadal ka jeediyay daahfurkii ONE MILLION FORUM mid ayaa waxa uu sheegay in dadka loogu shaqaynayo,
Waxaana uu yidhi”Waxa farxad weyn ii ah in aynu iskugu nimaadno Furitaanka Mashruuca ONE MILLION FORUM,waxa aanu ku guulaysanay in bulsho badan oo Shacabka ka mida iyo aqoonyahano badani ay fahmaan faa,iidada qaranka ay u leedahay ONE MILLION FORUM.waxa kale oo aanu ku guulaysanay in Gobalada dalka oo dhan ay ka jirto ONE MILLION FORUM,shanta qaaradood ee aduunka cid ayaa u joogta.waxaana aan u mahadnaqayaa gudiyada gobalada dalka jooga.qof kasta oo ka midi waxa uu ku hamiyayaa sidii uu isbadal qofeed iyo daleed u samayn lahaa oo qaran kiisa iyo dadkiisa wax u qaban lahaa,ONE MILLION FORUM
maaha mid faa,iido doona mana aha mid Siyaasadeed,waxaana ay noqon doontaa mid samafala oo dadka u shaqaysa.waxaana aanu ka fikiri doonaa sidii shaqo loo abuuri lahaa iyo dhaqaale,waxaana aanu samayn doonaa doodo is dhex gala.waxaana ay ka shaqayn doontaa ONE MILLION FORUM sidii qadiyadda Somaliland kor ugu qaadi lahad iyo Midnimada dadka,waxaana qayb ka noqon doontaa Ictiraaf raadinta.waxaana uu u shaqayn doonaa dad kiisa iyo qaran kiisa,