Khayraadka Dalkeenu wuu Badan yahay haddii aynu u Tashano…”Wasiir Maxamed Xaaji

0
199

Burco (Dawan): Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland ayaa sheegay in haddii aynu u tashano khayraadka dalkeenna in aynu ka mid noqonayno dadka adduunka ugu taajirsan.

Waxaanu tilmaamay in bulsho ahaan la inooga baahan yahay in aynu isku tashano, isla markaana ka shaqayno sidii aynu ula soo bixi lahayn khayraadka dalkeenna ku duugan.

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi,  waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay munaasibad lagu shaacinayay wacyi-gelinta bulshada ee mashruuca Qodista Ceelka Shidaalka ah ee Toosan-1 ee Block SL10B|SL13.

Xafladaasi oo lagu qabtay magaaladda Burco, waxaa ka soo qayb galay wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland, siyaasiyiin, odayaal, waxgarad, aqoon yahano, maamulka gobolka Togdheer, ka degmadda Burco, iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL waxa uu sheegay in khayraadka dabiiciga ah ee dalkeenna ku duugaan uu aad u badan yahay, isla markaana loo baaham yahay in aynu ka faa’iidaysano.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Khayraadka dalkeenu wuu badan yahay. Khayraadkii shidaalka ayaynu haysanaa, kii Macdanta ayaynu haysanaa, kii xoolaha ayaynu haysanaa, kii Badda ayaynh haysanaa, kii beerraha ayaynu haysanaa.

Tamarta maanta adduunka ugu qaalisan ayaynu haysanaa ee Dabaysha, iyo Qoraxda. Laakiin, sidii aynu u maamuli lahayn, ayuun baa wax inaga si yihiin.

Haddii aynu maanta u tashano khayraadkeenna, iyo caqligeena in aynu isku darno, dadka ugu qanisan baynu noqonaynaa ee adduunka ku nool”.

Dhinaca kale wasiirka Dastuurka Somaliland ayaa madax dhaqameedka gobolka Togdheer ugu baaqay in ay ka hawl galaan deminta shaqaaqadda beelaha walaalaha ah u dhaxaysa ee ka taagan deegaanka Cali-saahid, ee gobolka Togdheer.

“Madaxda dhaqanka ee halkan fadhiya, oo salaadiinta dhaqanku ay ugu horeeyaan, mushkiladan nabad-geliyo darrada ah ee gobolka Togdheer ka jirta, waa tii aad maalinteedda lahaydeen. Xukuumadu uma hawl yaraysan, oo wasiirro ayaa ka hawl galay, idinku na lamaydaan gacan la’ayn.

Markaa haddii aad tihiin madax dhaqameedka gobolka Togdheer, ka hawl galla colaadaasi deminteedda” ayuu yidhi wasiir Maxamed Xaaji Aadan

 

 

Leave a Reply