Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Somaliland oo Kormeeray Dugsiyada waxbarashada

0
122

Borama (Dawan) Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Cabdixakiin Siciid Bustaale,ayaa kor meeray dugsiyada waxbarasahda degmada Boorama xarunta gobolka Awdal.

Waxaanu sheegay in ujeedada kormeerkiisu ay la xidhiidhay xog ogaal u noqoshada adeegbixinta waxbarasho ee dugsiyada ku yaalla Magaalada Borama xarunta gobolka Awdal.

Geesta kale waxa uu sheegay in kormeerkoodu salka ku hayay qiimaynta sida ay ardaydu ugu diyaargaroobeen imtixaanka Shahaadiga ah oo dhawaan lageli doono, waxaanu intaas raaciyay in ay rabeen in ay ogaadaan in Manhajkii waxbarasho ee ardaydu qaadayeen macalimiintu u dhammeystireen iyo in kale.

Sidoo kale wasiir ku xigeenku waxa uu sheegay in rajjada maanta jirta ay tahay mid aad u qiimo badan, waxaanu xusay in ardayda tacabkii la soogaliyay ay meel fiican ka gaadhi doonaan, waxaanu intaas raaciyay in wasaaraddana ay ka go’an tahay in ardayda la gaadhsiiyay adeegyadii waxbarasho ee loo baahna,.

Leave a Reply