Komishanka Doorashooyinka oo Kulamo Dadweyne oo Wacyigelin ah Qabtay

0
383

 

Berbera(Dawan):- Gudiga doorashooyinka Qaranka oo ku guda jira qaybinta kaadhka codbixiyaha oo ka socota gobolada Saaxil,Sanaag iyo Awdal,ayaa kulamo dadweyne oo wacyi gelinta qaadashada kaadhka codbixiyaha ah ku qabtay magaalooyinka waawayn ee ay ka socoto kaadh qaybintu.

Waxaa kale oo ay komishanka Doorashooyinka qaranku deegaanada  miyiga sadexda gobol ee ay ka socoto qaadashada kaadhka Codbixiyaha ay u kala direen baabuur ay saaran yihiin codbaahiyeyaal bulshada loogu sheegayo in ay qaataan kaadhka codbixiyaha dadkii is diiwaan geliyay.

Kaadh qaybinta sadexda gobol ka socota oo bilaabantay 31.kii May ayaa socon doonta illaa sagaalka Bishan.

Dhinaca kale guddoomiyaha gudida Doorashooyinka qaranka  Mud:Muuse Xasan Yuusuf.

ayaa bulshada saddexda gobol Farriin u diray kuna boorriyay in dadkii is diiwaan geliyay in ay kaadhadhkooda ka qaataan goobihii ay iska diiwaan geliyeen.

Waxaanu yidhi Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland

“Muwaadin, KDQ JSL wuxuu ku wargelinayaa bulshada degan gobolada Awdal, Saaxil iyo Sanaag in Kaadh-qaybintu ay si rasmi uga socoto saddexdaas gobol.

31 May, 2023 ayey Kaadhqayintu ka bilaabantay seddexdan gobol waxaanay ku eeg tahay 9 June 2023.

Muwaadin, fadlan tag goobtii aad hore iskaga diiwaangalisay ama kaadh-bedelka iyo degmo-doorasho bedelka lagaaga sameeyey, oo ka qaado kaadhkaaga codbixinta.

Muwaadin xasuusnow! Seddexda Gobol ee Awdal, Saaxil iyo Sanaag kaadhqaybintu waxay xidhmaysaa 9 june, 2023. Waxana Ka hadhay maalmo kooban”

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply