Duqa Caasimada Hargeysa oo Dhagax-dhigey Jid isku Xidhi Doona Degmooyinka 31-ka May iyo Gacma-dheere

0
152

Hargeysa (Dawan):- Duqa caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa shalay si rasmiya u dhagax-dhigey  waddo cusub oo isku xidhi doonta  Degmooyinka Gacma-dheere iyo 31-ka May.

Waddadaas oo dhararkeedu dhan yahay 4Km, isla markaaan dhismaheeda ay iska kaashanayaan bulshaweynta Xaafadda 31-ka May iyo dowladda hoose ee Hargeysa.

Jidkaas ayaa isku xidhi doona xaafadaha, Sheekh Cumar, Boqol-jire iyo Jigjiga-yar, waana jid muhiim u ah isu socodka bulshada.

Lacag dhan laba boqol iyo sideed iyo lixdan kun oo dollar, ayaa ku baxaysa dhismaha 𝟐𝟔𝟖,𝟎𝟎 dollar.

Duqa caasimada Hargeysa ayaa sheegay in kharashka ku baxaya dhismaha jidkaas, ay bulshadu bixisay 40%, waxaanu xusay in 60% soo hadhayna aan loo baryatagayn ee ay dowladda hoose bixinayso, isla markaana sidaas lagu bilaabayo dhismaha waddada.

Dhismaha jidkaas waa mid ka mid ah mashaariicda dhismaha dowladda hoose ee Hargeysa.

Waxaanu yidhi.“Waa waddo ku suntan iskaashi, kaas oo ah mid u dhaxeeya bulshada iyo dowaldda hoose, waxa sharaf idiin ah in aad keenteen haddii aad tihiin bulshada degmada 31-ka May 40%-kiini in aad keenteen, oo aad tidhaahdeen, ‘waatan ee dowladda hoosaay wadadii hala dhiso,’.

Golaha degaanka ee hadda jooga ceeb ayuu u yaqaana bulshadu inta ay lacag soo urursato dowladda hoose inay tidhaahdo lacag uma hayno jidkaas, dadku marka ay dedaalaan waala abaalmarinayaa, 60% kale ee jidkaasi ku baxaya loo baryo tagimaayo oo loo ammaah tegi maaye, cashuurtaada ayaa lagu dhisaya Hargeysa haddii ALLE yidhaahdo.

Waynu dhagax-dhigeyna waynu dhammeystiraynaa, maanta inaga oo wada jira ayaynu dhagaxi dhigeynaa, muddo kadib waxa aynu imanyna iyada oo xadhiga laga jarayo”

Maayer Mooge waxa uu sheegay in xeerkii cashuuraha baaqday ay hadda gacanta ku hayaan, dhawaana golayaasha sharcidejintu ansixin doonaan, waxaanu bulshada ka codsaday inay iska soo bixiyaan cashuuraha ku baaqday.

Waxaanu yidhi.“Xeerkii cashuuraha baaqday ayaanu gacanta ku hayna oo golaha wakiilladu ansixiyaan, sannadkasta cashuurta kugu baaqata waa shilin kugu kordhaya, bulshada waxaan ka codsanaya inay soo bixiyaan cashuurta”

Hirgelinta iyo dhagax-dhiga mashrcuuca wadadani waa tallaabo xagga horumarka loo qaaday, isla markaana wax weyn ka tareysa koritaanka iyo fidinta xaafadaha Sheekh Cumar iyo Boqol-jire, bulshaduna kaga raysanayso rafkii, rafaadkii iyo jid la’aantii mudada  badan haysatay.

 

Leave a Reply