Mudanayaasha Golaha Guurtida oo Dood ka Yeeshay Arrimaha Garsoorka Dalka

0
258

Hargeysa (Dawan) Mudaneyaasha golaha guurtida ayaa maalmahan ku guda jiray ka doodista ajandaha Kal-fadhiga 81-aad ee golaha,  shalay waxay dood adag ka yeesheen arrimaha Garsoorka dalka, oo ay mudaneyaasha qaar soo jeediyeen in dib loogu noqdo hannaanka garsoorka dalka ee gobollada Somaliland.

Mudaneyaasha qaar ayaa sheegay in sare-u-kac ballaadhan ay ku tallaabsadeen waaxda Garsoorka dalka, loona baahan yahay in la garab istaago.

Sidoo kale mudanayaasha qaar ayaa soo jeediyay in la tababaro baadhayaasha saldhigyada dalka oo ay sheegeen in uu yahay marinka koowaad ee ay ka bilaabanto dacwadu, loona baahan yahay in ay noqoto meel bulshadu ku soo hirato.

Ugu danbayn Xildhibaanada ayaa soo jeediyay in mudanayaashu u baxaan safar ay ugu kuurgalayaan xaaladda Garsoorka dalka oo ay soo wada maraan dhammaan gobollada iyo Dagmooyinka dalka.

Leave a Reply