Aragtida Xun Ku Bedel Mid Wanaagsan!

0
309

Waxa la sheegay in nin xakiim ah ay maalin gabadhiisu ku tidhi “ Maan arag reerkiina dad ka xun! Waxaana uu weydiiyay sababta? Waxay ku jawaabtay “ Waxay inoo yimaadaan marka aan xoolo haysano, markaan faqiir noqono inooma yimaadaan.!

Waxaana uu ugu jawaabay ninkii caqliga badnaa “Taasi waa akhlaaqda wanaagsan, waayo inooma imanayaan marka aynaan waxba  tari  karin, waxayna og yihiin in aynaan awood u lahayn waxtarkooda”.

Sidaasi ayuu qofka akhlaaqda wanaagsani dhinaca fiican wax uga arkaa. Dhaqanka ay gabadhu u aragtay xumaanta wuxu ugu muuqday odaygeeda mid wanaagsan oo naxariis leh. Marka aad ku bedesho fikirka xun mid wanaagsan waxaad bilaabi doonta natiijooyin wanaagsan.

Leave a Reply