Arrinka Aad Weydo Haka Murugoon!

0
325

Markii uu subaxnimadii hore kacay ee shaqada tegayay niyad umuu hayn, maxa yeelay waxa ka horeeya hawl adag oo haddana qaylo iyo canaan badan. Isla maalintaasi markii uu shaqada dhameeyay ayaa loo sheegay in ay ka dhamaatay shaqadii shirkadani oo aanu soo shaqo tegin maalin danbe.

Aad ayuu u fikirayay intii uu guriga ku sii socday maxa yeelay iyada ayaa ahayd meesha keliya ee noloshiisa iyo tan iyo qoyskiisa uu ka soo saaro.  Laakiin intii uu dhexda ku jiray oo uu watay gaadhiga  gaboobay ayuu taayir ka banjaray, markii uu la soo baxay kii kaydka ahaa wuxu arkay inuu isna banjar yahay.

Isagoo ay isagu darmeen labada murugo ayuu nin gaadhi wataaa soo maray  markiiba wuxu ka ogolaaday inuu gaadhsiiyo isaga iyo taayirkiisa banjarlaha.

Markii ay is waraysteen ayuu u sheegay inuu ka tegay shaqo uu hayay oo uu ka fekerayay halkii uu biilka ka soo saari laha. Laakiin ninkan soo qaaday waxa uu maamulayay shirkada weyn isla maalintaasi  wuxu  raadinayay qof u qabta shaqada uu ninkani yaqaanay. Waxaana uu sheegay inuu berri soo shaqo tago heshiiskana galaan, isagoo mushaharka uu u sheegay ku laban laabamay kii shirkaddii laga eryaya ka qaadan jiray. Waxa jira waxaad necbaysto oo khayr iyo wanaag ku ah iyo waxaad jeceshahay oo shar kuu ah.

Leave a Reply