Maamulka Gobolka Selel iyo Koomishanka Doorashooyinka oo kawada hadlay Kaadhqadashada Codbixiyayaasha

0
224

Borama (Dawan) Gudoomiyaha Gobolka Salel Mawliid Maxamed Nuur oo uu weheliyo Maayirka Degmada Saylac oo socdaal shaqo ku jooga Magaaladda Boorama ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Muuse Xasan Yuusuf iyo xubno ka mid ah Guddida Doorashooyinka Qaranka.

Labada dhinac ayaa kulankaas kaga wada hadlay hawsha kaadh qaybinta codbixiyayaasha ee ka socota gobolada Awdal, Saaxil iyo Sanaag waxaa kale oo ay ka wada hadleen Sidii loo sixi lahaa wixii caqabad ah ee ka jira deegaanada Gobolka Salal.

Gudoomiyaha Gobolka Salel Mawliid Maxamed Nuur ayaa madaxda sare ee Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ka dalbaday sidii wakhti dheeri ah loo siin lahaa deegaanada Gobolka Salal hasa yeeshee hogaanka Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in wakhti go’an ay u qoondeeyeen inay socoto hawsha kaadh qaybintu.

Waxayna ku booriyeen dadweynaha goboladda Awdal Iyo Salal inay ka faa’iidaystaan fursadan isla markaana ay Kaadhadhkooda qaataan ugu danbayn 9-ka bishan June, Maadaama markaas kadib la gudo geli doono Kaadh qaybinta Saddexda gobol ee soo hadhay oo kala ah Maroodijeex, Togdheer iyo Sool.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL Mudane Muuse Xasan Yuusuf oo ay weheliyaan Afhayeenka Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Cabdicasiis Xirsi Warsame, Komiishaner Xuseen Cabdi Cali Badhaani, Wasiirrada Wasaaradaha Ganacsiga iyo Maalgashiga, Badhasaabka Gobolka Awdal Iyo Mas’uuliyiin kale ayaa soo kormeeray goobaha lagu bixinayo kaadhadhka codbixiyayaasha ee Gobolka Awdal.

Waftigu intii goobahaas marayeen waxay warbixino kaga dhageysteen shaqaalaha goobaha kaadhqaybinta, odoyaasha iyo waxgaradka deegaanadaasi waxaanay ugu baaqeen guud ahaan dadweynaha Gobolka Awdal inay ka faa’idaystaan fursadan isla markaana ay qaataan Kaadhadhkooda.

 

 

Leave a Reply