Talada Maalqabeenka Siiyay Bulshada!

0
244

Maalqabeen muddo dheer ganacsi ku jiray oo shirkado waaweyn oo guulaystay sameeyay ayaa la weydiiyay inuu dadka siiyo talooyin waxaana uu yidhi afar arimooda sameeya:

  • Akhri wax aanay dadku akhriyin, – Ka feker wax aanay dadku ka fekerin,
  • Same wax aan dadka kale qaban,
  • Sheqee wakhtiga ay hurdaan ama nasanayaan.

Iyadoo sidaasi ay mashquul u yihiin haddana waa dhib in aanay wakhtiga ku filan siin qoyskiisa. Nin Maalqabeen ah ayaa isna la weydiiyay waxa ugu weyn ee uu ka murugoodu noloshiisa?

Waxaana uu ku jawaabay : “Waxaan ka xumahay inaan ka qayb gelin tartan ciyaareed wiilkayga yar, iyo xafladii qalin jebinta gabadha aan dhalay.  Nin ka mid ah saboolka oo jawaabta maqlayay ayaa aad u farxay oo qoslay oo yidhi : Aniga aabahay isagoon maalqabeen ahayn ayuu igala qayb galay dhamaantood  aniga iyo walaalkay. Maalka laftiisa ayaa farxad yaraanta qayb ka ah.    Waad fahantay macnaha weedhahaasi!

Leave a Reply