Bulsho Xanuunka Ku Dawaysa Jaaska!

0
247

Qabiilada Saan ee ku  nool dalalka Koonfur Afrika, Botoswana, Saambiya, Angola, Nambiya iyo Lesotho, waxa ay leedahay caado dhaqameed ay ugu yeedhaan Qoobka ciyaarka faraxadda ama bogsashada dadka xanuunsanaya.

Jaaskan ama qoobka cayaarakani waa midka ugu muhiimsan sababto ah waxa ay u adeegsadaan in ay ku  saaraan xanuunada ay sheegaan in uu Jink aiyo shadaanku keeno.

Haweenka iyo carruurtu waxa ay ku soo ururaan dab weyn oo la shiday, iyagoo heesaya oo garaacaya muusigga durbaanka iyo sacabka.

Ragga saaxiriinta ah ee adeegsanaya heeshaa iyo durbaanada ayaa xidhan dhar iyo silsilado lugaha ugu xidhan oo samayana dhawaaqyo gaar ah markasta oo ay dhaqaqaan waxaana ay qaadayaan heeso kala duwan si ay dadku u miqaamaan.

Ciyaarta ayaa waxaa la socda bakoorado, biibiile iyo durbaanno, iyadoo ragga ay ku hor cayaarayaan dabka hortiisa, waxaana xamaasad sii kordhaysa, marka jaanta la isla helo ee durbaanka, sacabka, muusiga, sacabka  iyo dhowaaqyada kala duwan ee silsiladah lugaha ugu xidhan sameeyaan ay gaadho heerkkeeda ugu sareeya.

Wakhtigaasi waxa dadka qaar ka mid ah iyo saaxriintuba ay glaan xaalada farxad iyo rayrayn ah iyagoo gala xaalad miyir beel ah , taasi oo ay ku sheegaan in ay la xiiidhiiyan caalamka ruuxiga.

Bulshada qabiilada Saanku waxa ay aaminsan yihiin in marka ay ku jiraan xaaladda miyir beelka ah maskaxeed, ay awoodaan inay la hadlaan ruuxdii awoowayaasha dhintay kuwaas oo u sheegaya cidda keentay xanuunka, iyadoo qoob-ka-cayaarka la sii xoojinya ay sheegayaan daawada xanuunka.

Si loo saadaaliyo mustaqbalka ama si fiican loo qabsado, qaar badan oo ka mid ah dadka qoob-ka-cayaarka samaynaya waxa ay ku daydaan socodka xayawaanka, sida gorayada, waraabaha iyo xayawaano kale oo badan oo ay aaminsan yihiin in ay sixiran yihiin.

Hawlo adag ayaa ku dhacda dumarka qabiilka Saan waayo waxa ay soo ururiyaan midhaha digriiga, basasha iyo agabka kale ee dhirta si ay u isticmaalaan kooxda saaxiriinta ee qoobka cayaarka wadaa. Ragguna waxa ay u baxaan ugaadhsi socdaal dheer ah sida ay aaminsan yiihiin. Bulshaad Saan ayaa aaminsan in qofka buka uu bogsanaayo marka sidan loogu sameeyo qoob ka cayaar lagula xiidhiyaao caalmak awoowyaasha.

Leave a Reply