Xisbiga KULMIYE oo Farriin Culus u Diray Shacabka Somaliland

0
195

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada oo isla xisbiga katirsan, ayaa baaq la xidhiidha muhiimadda ay leedahay qaadashada kaadhka cod-bixinta u diray shacabka reer Somaliland, gaar ahaanna taageerayaasha xisbiga KULMIYE.

Guddoomiyaha oo ay hareero joogaan wasiirrada wasaaradaha, arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud, Macdanta iyo Tamarta, Mudane Cabdilaahi Faarax Cabdi, Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, Mudane Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil, Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo horumarinta Beeraha, Mudane Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa si wada-jir ah bulshada ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan muddada kooban ee waqtigii kaadh-qaadashada ka hadhay gobollada Awdal, Saaxil iyo Sanaag, iyaga oo bulshada ku dhaqan gobollada Maroodi-jeex, Togdheer iyo Sool oo ay dhawaan qaybinta kaadhadhka ka bilaabmi doontana ugu baaqay inay isu diyaariyaan sidii ay u qaadan lahaayeen kaadhadhkooda, si ay awood ugu yeeshaan inay codkooda dhiibtaan.

Ugu horrayn, Xubno kamid ah wasiirrada madasha ku sugnaa oo halkaas ka hadlay, ayaa taageerayaasha xisbiga KULMIYE ugu baaqay inay xil iska saaraan sidii ay u qaadan lahaayeen kaadhadhkooda cod-bixinta, kuna baraarugaan muhiimadda uu kaadhku leeyahay, iyaga oo madaxweynaha qarankana ugaga mahadnaqay kaalinta dhaqaale ee uu ka qaatay sidii ay diiwaangelinta cod-bixiyayaasha iyo qaybinta kaadhadhkuba si habsami leh ugu qabsoomi lahaayeen dalka.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi-dheere oo halkaas ka hadlay, ayaa shacabka reer Somaliland, gaar ahaan taageerayaasha KULMIYE ee ku dhaqan gobollada haatan kaadh-qaadashadu ka socoto iyo kuwa ay dhawaan ka bilaabmi doontaba ugu baaqay inay si habsi leh u qaataan kaadhadhka, waxana uu yidhi, “Dhammaan shacabka reer Somaliland, gaar ahaan taageerayaasha KULMIYE, waxan doonayaa inaan ku guubaabiyo qaadashada kaadhadhka codbixinta, walaalayaal saddexdaa cisho ee ka hadhay qaybinta kaadhadhka ee saddexdii gobol ee hore, si wanaagsan ugu soo baxa oo ka faa’iidaysta. Saddex gobol oo kale oo kala ah Maroodi-jeex, Togdheer iyo Sool, ayaa Bishan 12-keeda bilaabmi doona, waxana shacabka leeyahay dhaqaale badan baa kaadhkaas inagaga baxay, qofkuna xaq buu u leeyahay inuu kaadhka qaato oo uu u diyaar garoobo doorashooyinka inagu soo socda.”

Qaadashadashada kaadhadhka cod-bixiyayaasha, ayaa dhawaan ka bilaabmay gobollada Awdal, Saaxil iyo Sanaag, waxana ay 12-ka Bishan June, ay ka bilaabmaysaa saddexda gobol ee Maroodi-jeex, Togdheer iyo Sool.

 

 

 

 

Leave a Reply