Cuna Xanuunka, sababaha keena iyo sida looga hortegi

0
219

Xubinta labaad ee barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona, sabaha keena cuna xannuunka iyo sida looga hortagi karro.

Cuna xanuunka wuxuu keeni karaa cuncun, sidoo kale waxaa adkaan karta in la liqo cuno ama la cabo biyo, xanuunka waxaa suurta gal ah inuu kasii daro marka qofku uu wax liqaayo, astaamaha kale waxaa ka mid ah

Cunaha oo qalayl noqda

Qanjidhada dhuunta oo barara

Qumanka oo ay fulaan waxyaaba cadcad

Xabeeb.

Cuna xanuun wuxuu asiibi karaa qof kasta, hasa yeeshe khatartiisu waxay ku badan tahay dadka qaar sida.

Caruurta, dadka caba sigaarka, dadka qaba xasaasiyada, dadka uu difaaca jidhkoodu kala dhantaalan yahay.

Dadka oo lala wadaaga boos cidhiidhi ah waxay kor uqaadi karta infekshanada ku dhaca qaybta kore ee habka hawa mareenka, taas oo keeni karta cuna xanuun.

Maxaa sababa cuna xanuunka?.

Infekshan uu keenay fayrus,inta badan cunaha oo xanuuna waxaa sababa fayrus, infekshanka kale ee uu fayruska sababo waxaa ka mid ah hargabka, jadeecada, iyo busbuska.

Infekshan ay keentay bakteeriyo, bakteeriyada waxay sababi kartaa  infekshan keena cunaha oo xanuunka, waxaa ka mid ah infekshanadaas, gawracatada, xiiq-dheerta.

Walxaha deegaanka.

Cuna xanuunada oo dhan kama dhashaan fayrus ama bakteeriya, waxa yaabaha kale ee horseedi kara cunaha oo xanuun waxaa ka mid ah.

Xasaasiyada, hawada oo qalayl ah, cabidda sigaarka, qeylida ama hadalka badan.

Laab jeexa.

Waa xaaladaha ku dhaca habka dheefshiidka, astaamaha uu leeyahayna waxaa ka mid ah Cunaha oo xanuuna, xabeeb, laabjeex, lalabo.

Sida la iskaga ilaaliyo laab jeexa.

Gormaa la arkaa dhakhtar, inta badan cuna xanuun uma baahna daryeel caafimaad, hasa yeeshee waa muhiim in aad aragtid dhakhtar haddii cuna xanuunkaaga oo ka badan yahay hal todobaada iyo haddii aad dareentid astaamahaan soo socda

Neef qaadashada oo adkaata, kala goys yada oo ku xanuuna, wax liqida oo adkaata, dhega xanuun.

Furuuruc/finan.

Qandho 38.33 digrii ama 101 cadhuuf dhiig wadata, buro kutaala cunaha, xabeeb kabadan laba todobaad iyo ka badan.

Sida guriga loogu daaweeyo cuna xanuunka.

Biyo cusbo/milix leh oo lagu luqluqado

Cabidda biyo badan oo diiran, sida shaaha, maraq in laga fogaado xasaasiyad ciyaasha sida sigaarka iyo kiimikaalada kale, yareynta caabuqa iyadoo la isticmaalayo xanuun baabi’iyasha, haddii infekshan uu sababay bakteeriyada waxaad ubaahan tahay in dhakhtar dawo kuu soo qoro oo aad sida uu ku faray u raacdid.

Sida looga hortago cuna xanuunka.

Waxyaabaha badan ee sababa waa infekshan, tilaabooyinka waxay ka hortagi karaa infekshan kugu dhaca mustaqbalka.

Gacmaha oo si joogta ah loo dhaqo waxay dileysaa geermiska, bakteeriyada, iyo fayrusyada, tilaabooyinka kale waxaa ka mid ah Hala wadaagin dadka weelasha wax lagu cabo.

Gacmaha saabuun iskaga maydh ama biyo yaree taabashada aad taabatid meelaha dadka intoo badan ay taabtaan, yaree la kulan ka xasaasiyad kiciyaasha, ka fogoow cabidda sigaarka.

Leave a Reply