Magaca Soomaali Halkuu Ka Yimid” Waxa Qoray Cali Cabdi Coomay

0
200

Waxa aynu halkan ku soo koobi doonaa micnaha magaca soomaali iyo wixii ay inoo yaqaaneen dadyowgii shisheeye ee iman jiray dhulka Soomaalida.

Giriigii hore: Soomaali waxay u yaqaaneen reer Berbera. Waxaanay odhan jireen waxaan tagayaa dhulkii reer Berber (the land of Berberio), oo ay ula jeedeen soomaali. Gacanka Berber amma khaliij-al-Barbar, ayaa la odhan jiray berrigii hore.laakiin markii dambe ayaa loo bixiyey Gacanta Cadmeed. Giriigii hore way kala saari jireen labada magac ee Berber-ka degan waqooyiga afrika iyo kuwa degan bariga afrika, waxaanay odhan jireen Berberkii kale( the other Berberia).  Sida ku cad buugga The periplus of Erthraean sea, oo la qoray qarnigii koowaad. Waxa  iyana arrintaasi aaminsanaa sahamiyeyaashii ahaa muslimka ee soo

mari jiray dhulka soomaalida, waxaanay odhan jireen “ Berber-Al-Aswad”, oo ah Berberkii madoobaa. Waxaanay ka sooci jireen kuwa degan waqooyiga afrika, oo imika Algeria ku xoogan.Carabtii hore:Soomaali waxay ugu yeedhi jiree Berrul-cajam, oo ay ula jeedeen dhulkii dadka aan carabta ahayn. Carabtii hore dadka waxay u qaybin jireen CARAB amma CAJAM.

Roomaankii hore:Soomaali waxay u yaqaaneen dhulkii qorfaha. Waxaanay magacan ku sababeeyeen dhib iyo rafaad ay u soo mari jireen dhulka soomaalida.

Faraaciintii hore: Soomaali waxay u yaqaaneen dhulkii udugga. Sababtana waxay ku sheegeen, fooxa iyo dhirta udgoon ee ay hodanka ku ahaa dhulka soomaalidu. Waxaanay ku shidi jireen macbudyadii ay caabudi jireen.

Reer yururbkii hore:Soomaali waxay u yaqaaneen dadkii Soo-maal. Taasina waxay ula jeedaan, markay booqasho ku yimaadaan dhulka miyiga ah, ayey dadka soomaalidu soo dhawayn jireen, waxaanay odhan jireen” martida caanaha u Soo-maal”. Markaa erayga soo-maal ayaa dhagahooda ka batay, ka dib waxay yidhaaheen DADKII SOO-MAAL. Oo markii dambana ay ku biirtay xarafka “I”. Oo noqotay soomaali.

Aragti kaleayaa sheegaysa in erayga Soomaal ka soo jeedo labada eray ee lahjada mayga ku ah; ‘SOO’, oo micnahiisu yahay hilib iyo ‘MAAL’, oo micnahiisu yahay nool. Marka labadan la isku xidhiidhiyo waa kuwii hilibka ku noolaa. Maadaama uu dhaqankii hore ee soomaalidu u badnaa xoolo dhaqato, dadka qaar ayaa arrintan ku doodda.

Qoraaga Richard F. Burtonayaa sheegay inuu erayga Soomaal ka baadhay Qaamuus af-carabi ah, waxaanu sheegay inuu ka yimid erayga af-carbeedka ah ee “samala”, oo micnahiisu yahay isha ayuu ka riday. Markaana loola jeeday oday Soomaaliyeed oo walaalkii isha ka soo tuuray. Halkaana uu ka yimid magacani. Wuxuu ku sheegay buugiiisa FIRST FOOT STEP IN EAST AFRICA.

Aragti kaleayaa sheegaysa, in Boqorkii xabashida ee la odhan jiray Negus Yeshaq (1414-1429) xukumayey itoobiya uu soo weerary dawladii islaamka ahayd ee IFAT, ka dib ka xoog batay, waxaanu qabsaday saylac oo uu cagta mariyey. Guushii uu ka gaadhay dagaalkaasi ayaa laga tirinayey heeso lagu damaashaadayo, oo uu ku jiray magaca SOOMAALI. Waxaanay dadka aragtidan ku dooddaa sheegaan inay tahay markii ugu horaysay ee qoraal lagu arko magacan SOOMAALI. Laakiin aragtidani ma cadaynayso in markaa la bixiyey magacan SOOMAALI.

Soomaalida Iyo Halkay Ka Soo Jeedo.

Aragtiyo kala duwan ayey Taariikhyahannadu ka bixiyeen halkay Soomaalidu ka soo jeedo, kuwan hoose ayaa ka mid:

Aragtida kowaad: bulshada midabka madow lihi waxay ka soo jeedaa “xaam”. Markaa soomaalidu waa dad madow ah, oo an carab ahayn. Fikradan waxa aaminsan qoraaga la yidhaa. Prof: Cabdalle cumar mansuur ee qoray buugga la yidhaa” Taariikhda iyo Luuqadda Bulshada Soomaaliyeed.

Aragtida labaad:Soomaalidu waxay ka soo jeedaa koonfurta itoobiya. Halkaasina ayey ka soo guureen dhulkan xeebaha ah ee ay degan yihiin. Waxaanay daliishanayaan in Afka kushitigga Bari oo af-soomaaligu ka mid yahay, laga helo karo koonfurta itoobiya. Fikradan waxa aaminsan qorayaasha kala ah: Flemming, Heine, E.R. Turton iyo H.S.Lewis.

Aragtida saddexaad: Soomaalidu waxay ku dhaqanaan jirtay waqooyiga carriga Soomaaliyeed. Waana dhulka ku dheraran ceelaayo ilaa saylac. Markii dambana waxay dhinaca koonfureed iyo galbeed u riixeen oromada, oo markii hore deganayd qaybo ka mid ah dhulka Soomaalida. Fikradan waxa aaminsan qorayaasha: Cerulli yo I.M lewis.

Aragtida afraad:Soomaalidu waxay ku dhaqanaan jirtay cidhifka ugu bariyeysan ee dhulka Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Bari. Aragtidani waxay ku dhowdahay tan saddexaad. Soomaalidu weligeed waxa hoy u ahayd dhulkan ay ku dhaqan tahay, cid kale oo ay ku riixday ma jirto. Waxaanu daliishanayaa in magaca soomaali laga heli karo afka Niotigga ee lagaga hadlo Kiinya iyo Suudaan. Fikradan waxa aaminsan qoraaga Ibraahim Ali , oo qoray buugga la yidhaa”. The origin and history of the somali people.

Aragtida shanaad:Soomaalidu waxay ka soo kicitintay dhulkoodii hore ee lagu magacaabi jiray KUSH ee koonfurta Masar/Waqooyiga  Suudaan, ilaa ay ka soo gaadheen Raas Gaaradafuu, ka hor intii aanay u leexanin galbeed iyo koonfur. Fikradan waxa aaminsan qoraaga Ahmed Ibraahim Cawaale, ee qoray buugga la yidhaa” Dirkii Sacmaallada”.

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

Haragaysa, Somaliland

calicoomay@hotmail.com

Tix-Raacyo:

Ibraahin Cali……The Origin and History of the Somali people.

Axmed Ibraahin Cawaale……Dirkii sacmaallada.

Prof. Sadiq Enow Qoraallo uu diyaariyey.

 

Leave a Reply